QABAA’ILKA DEGA SSCKHATUMO OO QEYBSADAY ERGOOYINKA.

(SAWIRKA)-SHIRKA LAASCAANOOD.

(LAASCAANOOD)-wararka laga helayo caasimadda Gobolka Sool ee Laascaanood ayaa sheegaayo in Shirarkii Siyaasadeedkii maalmahan ka socday magaalada Laascaanood in maanta lagu heshiiyay, iyadoona is-afgarad balaaran  laga gaaray dhismaha Maamul cusub oo ay si wadajir ah u yeeshaan beelaha wada dega Gobollada Khaatumo iyo Maakhir. Maamulka cusub ayaa lagu saleeyay qaab Deegaan iyo Degmooyin, wuxuuna ka koobnaan doonaa magaalooyinka: “Ceerigaabo, Laascaanood, Badhan, Dhahar, Laasqoray, Xuddun, Taleex iyo Buuhoodle”. Ergooyinka dhisaya maamulka cusub ayaa gaaraya 311 xubnood, waxaana beelaha u kala heleen sidaaan soo socoto:

(1)-Dhulbahante-138 Ergo.

(2)-Maxamud Harti-135 Ergo.

(3)-FiqiShini-19 Ergo.

(4)-Suwaaqroon-4 Ergo.

(5)-Axmed Harti-2 Ergo.

(6)-Kaskiqabe-2 Ergo.

(7)-Dir-1 Ergo

(8)-Madhibaan-2 Ergo

(9)-Geri-3 Ergo.

(10)-Ugaaslabe-4 Ergo.

Is-afgaradkan ayaa lagu tilmaamay mid dhabbaha u xaaraya dhismaha maamul rasmi ah oo mideeya beelaha deegaanka, isla markaana suurtagelinaya matalaad cadaalad ku dhisan, nabadgalyo iyo horumar. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo Guddiga Farsamada iyo dhismaha Baarlamaanka Maamulka cusub, si loo guda galo wejiga xiga ee maamulka dhismihiisa. Dhinaca kale,war qoraal ah oo hadda ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha DG Puntland ayaa lagu sheegay in DG Puntand uusan aqoonsaneyn maamulka cusub ee SSCKHATUMO, Wasaaradda ayaa cugsatay Qodobo ka mid ah Dastuurka DG Puntland sida Qodobka 7-aad faqradiisa 1-aad ee dhigaayo Dhulka Puntland inta uu ka kooban yahay iyo faqradiisa labaad oo dhigeysa inaan Puntland dhulkeeda la qeybin karin,Qodobka kale ey Wasaaraddu soo qaadatay ayaa ah Qod.138-aad faqradiisa 1-aad oo dhigeyso in Dastuurka Puntand yahay sharciga ugu sareeyo marka laga reebo sharciga Islaamka, faqrada 2-aad ayaa dhigeyso Xeer hosaadka iyo wareegto kasta ee fulineed oo ka soo horjeeda shareecadda Islaamka iyo Dastuurka Puntland waa waxba kama jiraan,laakinse Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ey Puntland wax saxiixday Qodobkiisa 48-aad faqradiisa 2-aad ayaa dhigaayo in Laba Gobol oo dalka ah iyo wixii ka badan iney dhisan karaan maamul ey iyagu leeyihiin.

ISHA-RISAALA.

Previous
Previous

HAYADDA UNDP IYO SOOMAALIYA OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY.

Next
Next

DFS OO KA HADASHAY DAGAALKII KA DHACAY DHAHAR BAAQNE U DIRTAY…