URURKA TAKHAATIIRTA AAN XUDUUDA LAHAYN OO KU DHEGAN ITOOBIYA,SABABTA?

(SAWIRKA)-SHAQAALAHA MSF EE LAGU DLAY ITOOBIYA.

(FRANCE)-Ciidamada dawladda Itoobiya ayaa "daldalaad ku fuliyay" saddex ka mid ah shaqaalaha Hay'adda samafalka ee Médecins Sans Frontières (MSF) xilli ey hawlo bini'aadantinimo ku joogeen Waqooyiga Gobolka Tigray ee Itoobiya afar sano ka hor, sida ey BBC-da u sheegtay sarkaalad sare oo ka tirsan MSF. Hadalka Raquel Ayora ayaa yimid iyadoo MSF ey soo saartay Natiijooyinkeeda waxa ey ugu yeertay "Si ula kac ah oo lala beegsaday" dilka saddexda qof ee u kala dhashay Isbaanishka iyo laba Itoobiyaan ah xilli uu socday dagaalkii Tigray ee hadda la soo afjaray. "Waa la toogtay," ayay tiri Ms Ayora, Agaasimaha guud ee MSF Spain. "Waxay la kulmeen weeraryahanadooda [waxaana] lagu toogtay meel aad u dhow...dhowr jeer." BBC-da ayaa ka codsatay dowladda Itoobiya iney jawaab ka bixiso eedeyntaasi. MSF waxa ey sheegtay iney soo bandhigayso Natiijooyinkeeda maadaama ey dowladdu ku guul-darraysatay iney bixiso "Isla Xisaabtan lagu kalsoonaan karo" oo ku saabsan dhimashada inkastoo 20 kulan oo fool ka fool ah ey yeesheen afartii sano ee la soo dhaafay. Soddon iyo shan jir Isbaanish ah María Hernández Matas, oo ey weheliso Yohannes Halefom Reda oo 32 jir ah iyo Tedros Gebremariam oo 31 jir ah, ayaa la dilay 24kii Juun 2021 iyaga oo ku safrayay bartamaha Tigray si ey u qiimeeyaan baahiyaha caafimaad. "Waxay ahaayeen kuwo xirfad leh oo xamaasad leh," ayay Ms Ayora u sheegtay BBC-da. Waxay intaas ku dartay in saddexda qof ey si buuxda u garanayeen Jaakadaha MSF, gaarigooduna uu lahaa calanka Hay'adda samafalka iyo Astaanta marka la toogtay labada dhinac. "Marka, waxay [ciidanka Itoobiya] ogaayeen iney dilayaan shaqaalaha gargaarka bini'aadantinimo," ayey tiri, iyadoo raacisay in dariiqa safarka ee kooxda ey sidoo kale horay ula wadaageen kooxaha dagaalamaya. Dagaalka Tigray ayaa qarxay 2020 ka dib khilaaf weyn oo soo kala dhexgalay Dowlad Goboleedyada iyo Federaalka, iyadoo dalka deriska ah ee Eritrea uu dagaalka ka galay dhanka Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF). Colaadda ayaa soo afjartay laba sano ka dib heshiis nabadeed oo uu garwadeen ka ahaa Midowga Afrika (AU). Wakiilkeeda, Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo, ayaa ku sheegay tirada dadka ku dhintay iskahorimaadka ku dhawaad 600,000. Cilmi-baarayaasha ayaa sheegay in dhimashada ey ka dhalatay dagaal, gaajo iyo daryeel caafimaad la’aan. Dilkan ayaa dhacay xilli colaaddu ey sii xoogeysaneysay, waxaana ciidamada Itoobiya iyo Eritrea ey noqdeen kuwo cadaawad ah oo ey u hayaan shaqaalaha gargaarka ee gobolka, MSF ayaa warbixinteeda ku sheegtay. Ms Matas waxa ey Tigray ka shaqaynaysay tan iyo dagaalka ka hor, waxaana "aad u jeclaa" dadka gobolka, ayay tiri Ms Ayora. Geerideeda ayaa si gaar ah hooyadeed u dhibtay maadaama ey ahayd ilmo keliya oo ey dhashay, ayuu sarkaalka MSF ku daray. Mr Tedros ayaa la dilay wax yar ka dib markii xaaskiisa ey umushay gabar. Xaaskii uu ka dhintay ayaa ilmaha u bixisay Maria, ka dib markii uu aabaheed dilay saaxiibkii Isbaanishka, ayey tiri Mr Ayora. Meydadka Ms Matas iyo Mr Yohannes ayaa laga helay meel 100m (300ft) ilaa 400m u jirta burburka gaarigooda. Maydka Mr Tedros, darawalka, ayaa laga helay baabuurka." Iyadoo la raacayo siyaasadda socdaalka ee MSF, darawalku wuxuu ku dhow yahay gaariga," Ms Ayora ayaa tiri. Gaariga ayaa dhowr xabadood lagu dhuftay waxaana lagu gubay wadada dheer ee ka timaada magaalada Abii Cadi ilaa Yech'illa, ayey tiri Ms Ayora. Ms Matas iyo Mr Yohannes ayaa socday markii la toogtay, waxayna tiri, iyadoo raacisay: "Ma garanayno in loogu yeeray su'aalo iyo iney go'aansadeen iney la hadlaan askarta."MSF waxa ay sheegtay iney u cuskatay sawirada dayax-gacmeedka, marqaatiyaal iyo xogaha la hayo ee ku saabsan dhaq-dhaqaaqa ciidamada Itoobiya xilliga uu dilku dhacayay si loo soo afjaro. Baaritaankeedu wuxuu dhigay ciidamada Itoobiya "goobta saxda ah" ee uu dilku ka dhacay, ayey Hay'addu intaas ku dartay. Warbixinta MSF oo soo xiganeysa dad goob joogayaal ah ayaa sheegay iney dulmareen sarkaal ku wargeliyay taliyaha deegaanka gaari cad oo ku soo dhawaaday, waxaana taliyaha uu bixiyay amarka in la toogto. Daqiiqado ka dib ayaa la sheegay in taliyaha lagu wargeliyay in askartu ey damceen iney toogtaan balse gaariga uu u leexday dhanka Abii Cadi, kadibna uu istaagay, kadibna taliyuhu uu amar ku bixiyay in la qabto, lagana saaro, sida warku sheegay. Ms Ayora ayaa BBC-da u sheegtay in mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda cadaaladda Itoobiya ey MSF ku wargeliyeen bartamihii 2022-kii in baaritaankoodii horudhaca ahaa ey muujinayeen in ciidamada dowladda aysan ku sugneyn goobta uu dilku ka dhacay. Si kastaba ha ahaatee, saraakiishu waa ey diideen iney arrintan qoraal ah ku bixiyaan, waxayna hay'adda samafalku sii waday la shaqaynta dawladda si ey u soo afjarto "la xisaabtan la'aanta" xilli ey sii kordhayaan tirada shaqaalaha gargaarka ee lagu dilayo colaadaha adduunka, ayey tiri Ms Ayora.

ISHA-THE STAR KE.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO DAD U TARXIILAY DALKA ESWATINI EE K/AFRIKA.

Next
Next

TAHRIIBKA LIIBIYA OO GAARAY GOBOLKA WAJEER KENYA.