MARAYKANKA OO CUNAQABATEYN SAARAY AFAR GARSOORE OO KA TIRSAN MAXKMADA ICC-DA.
(SAWIRKA)-MAXKAMADDA DEMBIYADDA EE ICC.
(WASHINGTON)-Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay in Waaxdiisu ey cunaqabatayn ku soo rogi doonto afar Garsoore oo ka tirsan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) oo lagu eedeeyay iney si sharci darro ah u bartilmaameedsadeen Israa’iil iyo Maraykanka.
Cunaqabatayntan ayaa jawaab u ah Maxkamadda Caalamiga ah ee ICC oo soo saartay amar lagu soo xirayo saraakiisha ugu saraysa Israa’iil oo uu ku jiro Reysal Wasaare Benjamin Netanyahu iyo baaritaanka ey ku hayso dambiyada dagaal ee Maraykanku ka geystay Afgaanistaan. Afarta Garsoore ee la magacaabay ayaa dhamaantood ah haween: Solomy Balungi Bossa oo u dhalay dalka Uganda, Luz del Carmen Ibáñez Carranza oo u dhalataya Peru, Reine Adelaide Sophie Alapini Gansou oo u dhalatay dalka Benin iyo Beti Hohler oo u dhalatay dalka Slovenia ah. Maxkamadda ICC ayaa war qoraal ah oo ey soo saartay kaga jawaabtay, waxayna sheegtay iney ka xuntahay cunaqabataynta la saaray “isku day cad oo lagu wiiqayo” Madax banaanideeda. Tallaabooyinka waxay u baahan yihiin dhammaan hantida iyo danaha ey leeyihiin Garsoorayaasha Mareykanka in la xannibo oo loo sheego Waaxda Maaliyadda.
War qoraal ah oo uu soo saaray,Rubio waxa uu Garsoorayaasha ku eedeeyay "ficilo aan sharci ahayn oo aan sal iyo raad toona lahayn" oo lagu beegsanayo Israa'iil iyo Maraykanka. "Afartan shaqsi waxay si firfircoon uga qaybqaateen ficillada aan sharciga ahayn ee Maxkamadda ICC-da ee aan sal iyo raad toona lahayn ee lagu beegsanayo America ama saaxiibkayaga dhow, Israel," ayuu yiri. Rubio ayaa sidoo kale ku tilmaamay Maxkamadda ICC mid "la Siyaasadeeyay" wuxuuna sheegay "iney si been abuur ah u sheegato go'aan aan la xadidin" si ey u baarto muwaadiniinta Mareykanka iyo xulafadiisa. "Sheegashadan khatarta ah iyo ku-takri-falka awoodda waxay xad-gudub ku tahay Madax-bannaanida iyo Amniga Qaranka Mareykanka iyo xulafadayada oo ey ku jirto Israa'iil." Jawaabteeda, Maxkamadda ICC waxay sheegtay iney "si buuxda u taagan tahay shaqaalaheeda" ayna sii wadi doonto shaqadeeda "aan la niyad jabin". "In la beegsado kuwa ka shaqeeya isla xisaabtanka waxba ma caawineyso dadka rayidka ah ee ku xayiran colaadaha," ayay tiri Maxkamaddu. "Cunaqabateyntan kaliya ma ahan mid lagu beegsanayo shaqsiyaadka la magacaabay, waxay sidoo kale beegsadaan cid kasta oo taageerta Maxkamadda... Waxay ku wajahan yihiin dhibanayaasha aan waxba galabsan dhammaan xaaladaha Maxkamadda." ICC waa Maxkamad caalami ah oo awood u leh iney keento dacwooyinka xasuuqa, dembiyada ka dhanka ah aadanaha iyo dembiyada dagaalka. Sannadkii hore, waxay soo saartay amarro lagu soo xirayo Netanyahu iyo Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Israa'iil Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo Gaza ka dhacay. Amarka lagu soo xirayo Madaxa Militariga Hamas Mohammed Deif ayaa sidoo kale la soo saaray balse Xamaas ayaa markii dambe xaqiijisay in lagu dilay duqeyn cirka ah sanadkii hore. Garsoorayaasha ayaa sheegay iney jiraan "Sababo macquul ah" saddexda nin ey xambaarsanaayeen "mas'uuliyadda dambiyada" eedeymaha dambiyada dagaal iyo dambiyada ka dhanka ah bini'aadantinimada ee dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas. Israa'iil iyo Xamaas labaduba way diideen eedeymaha. Bishii Febraayo, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu ku soo rogay cunaqabateyn dhaqaale oo ka dhan ah ICC, oo uu ku jiro Madaxa dacwad oogaha, Karim Khan, wuxuuna sheegay in Maxkamaddu ey "ku takri-fashay awooddeeda". Ku dhawaaqista Khamiista, Waaxda Arrimaha Dibedda ee Mareykanka ayaa sheegtay in laba ka mid ah Garsoorayaasha, Bossa iyo Ibáñez Carranza ey oggolaadeen baaritaanka ICC ee ka dhanka ah shaqaalaha Mareykanka ee Afgaanistaan. Labada Garsoore ee kale, Alapini Gansou iyo Hohler, ayaa go'aamiyay iney soo saaraan waaran qabasho Netanyahu iyo Gallant.
ISHA-BBC