MARAYKANKA MA DIIDANA BIXINTA LACAGTA AUSSOM LAAKINSE WAXAA…
(SAWIRKA)-SENITAR JAMES RISCH.
(WASHINGTON)-Senatarada Mareykanka Jim Risch kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto Gobolka Idaho, ahne Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Senatar-ka, Ted Cruz kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto Gobolka Texas iyo Rick Scott kana tirsan Xisbiga Jamhuuriga lagana soo doorto gobolka Falorida ayaa soo bandhigay Xeerka Xakameynta Maalgelinta AUSSOM ee 2025 si loo ilaaliyo lacagaha canshuur bixiyayaasha Mareykanka iyo la xisaabtanka QM iyo Midowga Afrika (AU) ee hawlgallada nabadda Afrika. “QM, saaxiibadayada Yurub waxay eegayaan iney ka gudbaan ballanqaadkooda maaliyadeed ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyagoo u beddelaya hannaan cusub oo maaliyadeed oo aan dheellitirnayn oo culayska saaraya Maraykanka. Nidaamka jabay,” ayuu yiri Guddoomiye Risch. "Xeerka xaddidaadda AUSSOM wuxuu ilaalinayaa dollarka canshuur bixiyayaasha, wuxuuna ka ilaalinayaa in lagu kharash gareeyo siyaalo aan ka hor imaanayn danaha Amniga Qaranka Mareykanka, waxaana ka codsanayaa asxaabtayda iney si deg deg ah u hormariyaan," ayuu yiri Senator Cruz.
Senator Rick Scott ayaa yiri, "Mareykanku ma oggolaan doono in doollarka canshuuraha ah ey ka faa'ideystaan UN-ka halka la-hawlgalayaasheena ey diidaan iney bixiyaan saamigooda saxda ah, si ka yar howlgalka ku guuldareystay in uu u isticmaalo dollarkan si mas'uuliyad ama si hufan. Awood la'aanta AU-da iney buuxiso shuruudaha u qalmitaanka iyo shuruudaha maalgelinta ee laga weeydiiyo Mareykanka waxay muujineysaa ixtiraam la'aanta lacagta canshuur bixiyaha Mareykanka. Sharcigan ayaa ujeedadiisu tahay:
• Ilaalinta Sanduuqa Cashuur-bixiyeyaasha Mareykanka: Mamnuuci deeqaha maaliyadeed ee Mareykanka uu siiyo AUSSOM ee hoos yimaada UNSCR 2719 iyo amar ka soo horjeedka Mareykanka tallaabo kasta oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo awood u siinaya maalgelintaas.
• Xaqiijinta Kormeer Adag: In laga rabo Xoghayaha Arrimaha Dibedda inuu sameeyo sannadle, Qiimayn Madax-bannaan oo Midowga Afrika u hoggaansanto shuruudaha UNSCR 2719 ee dhammaan hawlgallada nabadda ee uu hoggaamiyo AU.
Kobcinta Hufnaanta iyo La Xisaabtanka: Waa in Congress-ka u dirtaa warbixin dhamaystiran oo ku saabsan natiijooyinka qiimaynta, waxqabadka iyo maalgelinta AUSSOM, iyo wax kasta oo uu Maraykanku ku biirin karo sida hoos timaada Qaraarka Qaramada Midoobe ee tirsigiisu yahay 2719. "Xeerka xaddidaadda AUSSOM wuxuu ilaalinayaa doollarka canshuur bixiyayaasha wuxuuna ka hortagayaa in lagu isticmaalo siyaalo aan horumarinayn danaha Amniga Qaranka Mareykanka, waxaana ku boorrinayaa Asxaabtayda inEy si deg deg ah u hormariyaan." "Xeerka xaddidaadda AUSSOM wuxuu ilaalinayaa doollarka canshuur bixiyayaasha wuxuuna ka hortagayaa in lagu isticmaalo siyaalo aan horumarinayn danaha Amniga Qaranka Mareykanka, waxaana ku boorrinayaa asxaabtayda iney si deg deg ah u hormariyaan."
ISHA-US.