DHAGAR QABE DAQARE OO MAANTA LA XUKUMAY.
(SAWIRKA)DAQARE.
(MUQDISHO)-Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud “Daqare” ayaa lagu soo eedeeyay ka mid ahaanshiyaha Argagixisada iyo in uu dadka ku Tashkiilin jiray iney ku biiraan kooxdaasi iyo Marin habaabin caruurta Soomaaliyeed tan iyo 2009. Horjoogahiisa Xuseen Fiidoow ayaa u Magacaabay Marin habaabinta Jufada Hoose ee uu ka dhashay Eedeysane Horjooge Daqare, waxaana Ka mid noqoshada Khawaarijta uu ku tashiiliyey Ex-Dhamme Shariif Maxamed Barqadle (Shariif Jeego) iyo Ex-Dable Xoogga Maxamed Cabdulle Nuur Abkoow Biyamaaloow. Shariif Cagaweyne oo Qeybta Dhagaraha ka tirsan ayaa isna ahaa Horjoogihii uu Daqare ku wareejiyay Jeego iyo Biyamaloow oo markii danbe geystay Qaraxyadii Muqdisho Mall 2019, Baar Cagaweyne oo ku yaalla agagaarka Hotel Wehliye 2019 iyo weerarkii Dabley Khawaarij ah loogu dusiyay Garoonka Aden Cade 2022. Horjooge Daqare Dadkii Kale ee uu ku biiriyay Khawaarijta, Jufadiisana ahaa ka dib Tahskiilintiisa waxaa ka mid ahaa Guddoomiye ku Xiggeenkii hore ee Arrimaha Bulshadda Degmadda Hodon Shariif Nuur Cali Awliyo oo lagu helay la shaqeynta Khawaarijta, uuna u ahaa Basaas iyo Dhagarqabe Maxamed Cali Kaahiye oo wali la shaqeysta Khawaarijta, kana tirsan Duur ku jirta ku dhuumaaleysta Gobolka Mudug. Cabdi-Xakiin Axmed Diini Cawaale (Wadne) oo Sargaal Xiggeen ka ahaa Xoogga Dalka, ayaa isna lagu eedeeyay inuu ku biiray Khawaarijta, ka dib Tashkiilinta Abtigiis Hooyadii la ina Adeera, waana Horjooge Daqare. Waxaa looga faa’iideysan jiray soo gelinta Caasimada Gawaarida Qaraxyada Lagu Diyaariyo iyo dhaafsiinta control-lada Ciidamada Amniga, iyaggoo xitaa raran, Madaama u heystay Aqoonsiga Ciidamada. Hay’adaha Amniga oo si hoose ula socday dhaqdhaqaaqa Dhagarqabe Daqare ayaa gacanta ku soo dhigay. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday sagaal iyo tobankii Bishii Meey ee Sanadkaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku kala xukumay Muxudiin Cabdisalaan Maxamuud Daqare Xabsi Daa’in, halka Cabdi Xakiin Axmed Diini Cawaale(Wadne) isna lagu xukumay Afar Sano oo xabsi Argagaxiso ah. Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
ISHA-SNTV.