MW-TRUMP OO SOO SAARAY AMARO FULINEED OO KU SAABSAN…

(SAWIRKA)-MW-TRUMP.

(WASHINGTON)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa sheegaayo in Madaxweyne Donald Trump uu Arbacadii shalay ahayd saxiixay Wareegto uu kaga mamnuaacaayo Muwaadiniinta 12-dal iney soo galaan dalka Maraykanka, isagoo in talaabdaan ey tahay mid lagama maarmaan ah si dalka looga ilaaliyo “Argagixisada Shisheeye”iyo khataraha kale ee Amaanka.

TAFAASHIISHA QARAARKA MAXAY KU SAABSAN TAHAY"?

Qaraarka uu soo saaray Madaxweyne Trump waxa uu dhaqan gelayaa taariikhdu marka ey tahay 9/6/2025-ka,saacadu marka ey tahay 12:01-AM. Qaraarku waxa uu dhigayaa in Mamnuucida gelitaanka buuxda iyo qeyb ahaan ey quseyso Mawaadiniinta Ajnabiga ah ee u dhashay dalalka kooban 12-dal, kuwaaso hadda ku sugan dibadda dalka Maraykanka Taariikhda kor ku xusan ee 9-ka Bisha Juun-2025-ka, kuwaaso aan haysan Fiisah Saxda ah Taariikhdaas la soo sheegay. Waxaa kaloo uu Qaraarku sheegayaa in “Qofka soo galootga ah ama Fiisaha kale ee la bixiyey ka hor Taariikhda ah 9/6/25-ka lama kansali karo iyada oo la raacaayo baaqan”.

DHAMMAYSTIRAN AMA QEYB AHAAN:

Wadamadda laga mamnuucay iney soo galaan gebi ahaab dalka Maraykanka waa: “Afgaanistaan, Mynamar, Jaad, Jamhuriyada dimuqaradiga Koongo, Egwatooriyaal Gini, Eriyereeya, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo Yaman”. Nuuca labaad, wadamada soo socdaa waxay ku xiran yihiin joojinta soo gelootiga iyo dadka heysta fiisaha ku meel gaarka ah ee soo socdo Nuuca Fiisaha B-1, B-2,B1/B-2, F, M iyo J, Wadamada ayaa kala ah “BURUNDI, KUUBA, LAAWOS, SIIRALYOON, TOOGO, TURKOMANISTAAN iyo Venisuweela”.

KUWA EYSAN QUSEEY?

Waxaa ku jira qof kasta oo si sharci ah u degan Maraykanka,laba dhalasho haysta,Diblomaasiyiinta ku imaanayo fiisaha soo galootiga saxda ah,Ciyaartooyda ama xubnaha kooxaha cayaaraha iyo qaraabadooda dhaw,iyo kuwa Maraykanka u safraya si ey uga qeybgalaan koobka Adduunka,Ciyaaraha Olombiga ama dhacdo kasta oo kale oo Isboorti. Sidoo kale, Fiisaha Muhaajiriinta ee Qaraabadda dhaw ama ilmo la korsaday(Adoption),iyo Fiisaha soogelootiga ee gaarka u ah dadka reer Afgaanistaan iyo Fiisaha soo gelootiga gaarka ah ee shaqaalaha dawladda Maraykanka. Fiisaha socdaalka ee Qawmiyadaha iyo Diimaha laga tirada badan yahay ee wajahaya cadaais gudaha dalka Iraan.

MA AHA MARKII UGU HOREEYSAY:

Madaweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa fariin muuqaal ah oo uu soo diray ku sheegay in “Weerarkii Aragagixiso ee dhawaan ka dhacay magaaladda BOULDER ee Gobolka Colorado uu muujiyey khatarta weyn ee dalkeyna uga imaaneysa Muwaadiniinta Ajnabiga ah ee soo gala iyagoo aan si sax ah loo baarin”. Intii lagu guda jiray xilligiisii hore, Trump wuxuu soo rogay xayiraad dhinaca safarka oo khuseeysa ilaa todobo dal una badan wadamo Muslimiin ah,siyaasadaas oo dhawr jeer dib u eegis lagu sameeyey ka hor inta eysan aqbalin Maxkamada sare sannadkii 2018-kii. Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka Joe Biden,oo xilka kala wareegay Trump ayaa laalay Xayiraadaas sannadkii 2021-kii isagoo ku tilmaamay mid”Waxyeelo ku ah Damiirka Qaranka”. Markii Trump dib loo doortay bishii Noofembar sannadkii 2024-kii ayaa bishii Janaayo-2025-ka oo ah waqtigii uu xilka Aqalka Cad la wareegay soo saaray Amaro Fulineed oo u baahan in la kordhiyo baarista Amniga ee Ajnabi kasta oo doonaayo inuu soo galo dalka Maraykanka si loo ogaado wax kasta oo khatar ku ah Amniga Qaranka Maraykanka. Waxa la yaabka ah ee ku jira Xayiraada ayaa ah, Xayiraad waxaa la saaray dalal kale mana la saarin dalka ninkii geystay dhibkii ka dhacay COLORADO oo Masar ah,tani waxa ey muujineysa in Liiska dalalka Xayiraada la saaray uu qornaay eyna u harsaneed oo kaliya Saxiix iyo ku dhawaaqid,wixii ka dhacay Colorado-ne ey soo dedejisay soo saaridiisa.

ISHA-WAKAALADO. FADLAN INALA SOCDA.

Previous
Previous

DHAGAR QABE DAQARE OO MAANTA LA XUKUMAY.

Next
Next

SARAAKIIL ICE AH OO KU XAYIRAN JABUTI,SABABTA?