(MUUQAALKA)-DRONES.
(WASHINGTON/USA)-Warbixin cusub oo ay baahisay xarunta cilmi-baarista ee New America ayaa sheegtay in Mareykanka uusan muddo lix bilood ah duqeyn rasmi ah ka fulin saldhigyada kooxda Daacish ee ku sugan Soomaaliya, taas oo dhalisay su’aalo ku saabsan mustaqbalka howlgalka milatari ee Washington iyo heerka uu gaarsiisan yahay cadaadiska lagu hayo kooxda. Sida uu qoray David Sterman oo ka tirsan New America, duqeyntii ugu dambeysay ee uu Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) si rasmi ah u shaaciyo ee ka dhan ahayd Daacish-Soomaaliya ayaa dhacday 6-dii May 2026, meel u dhow buuraha Golis, qiyaastii 75 kiiloomitir koonfur-bari kaga beegan magaalada Boosaaso. Warbixintu waxay tilmaamaysaa in hakadkaasi uu yahay mid muhiim ah, maadaama duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Daacish ay door weyn ka qaateen kororka aan horay loo arag ee weerarrada cirka ee Soomaaliya intii uu socday maamulkii labaad ee Madaxweyne Donald Trump. Xogta AFRICOM ayaa muujinaysa in Mareykanku, muddadii ka dambeysay 6-dii May, uu Soomaaliya ka fuliyay 28 duqeymood oo ka dhan ahaa Al-Shabaab, balse uusan shaacin wax duqeyn ah oo ka dhan ah Daacish. Si kastaba, warbixintu waxay xustay in ay jiraan warar sheegaya in Mareykanku uu 3-dii Sebtembar 2026 duqeyn ka fuliyay deegaanka Togga Baalade ee buuraha Al-Miskaad, halkaas oo fariisimo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish la sheegay in la beegsaday. Warkan oo uu baahiyay warbaahinta Drop Site, ayaa laga soo xigtay saraakiil amni oo ka tirsan Puntland. AFRICOM ayaa beenisay in Mareykanku uu fuliyay duqeyntaas, iyadoo sidoo kale sheegtay in dhammaan duqeymaha ay fuliso ay ku shaaciso boggeeda rasmiga ah. David Sterman ayaa sidoo kale xusay in Mareykanku uu Soomaaliya ka fuliyay 126 duqeyn iyo howlgallo milatari intii lagu jiray 2025, halka tirada la diiwaangeliyay ilaa hadda ee 2026 ay gaartay 93, taas oo muujinaysa hoos u dhac ku yimid xawaaraha howlgallada. Warbixintu waxay intaas ku dartay in duqeymaha Mareykanka ay si weyn u wiiqeen awoodda kooxda Daacish ee Soomaaliya, sida ay muujinayaan qiimeynno hore oo ay sameeyeen taliska AFRICOM iyo Qaramada Midoobay, hase yeeshee aan weli la xaqiijin in kooxda gebi ahaanba laga adkaaday. Qoraaga warbixinta ayaa ka digay in aan si buuxda loo xaqiijin karin in hakadka duqeymaha uu ka dhigan yahay dhammaadka howlgalka Mareykanka ee ka dhanka ah Daacish, isaga oo tilmaamay suurtagalnimada in ay jiraan duqeymo aan si rasmi ah loo shaacin. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo hufnaan dheeraad ah oo ku saabsan howlgalada milatari ee Mareykanka iyo in si sax ah loo kala caddeeyo mas'uuliyadda duqeymaha ay Soomaaliya ka fuliyaan dhinacyada kala duwan ee caalamiga ah.
ISHA-HOL.