SAMBALOOSHE OO KA HADLAY KHUDBADII MADAXWEYNE XASAN EE H/SHABEELE.

(MUUQAALKA)-DHAQANKA REER HIIRAAN.

(B/WEYNE/HIIRAAN)-Agaasimihii ore ee Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka C/laahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa jawaab adag ka bixiyay hadalkii Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ee ahaa inuu Reer Hiiraan siiyay caasimada Maamulka Hirshabelle.

QORALKA UU SAMBALOOSHE SOO GELIYEY BARTA UU KU LEEYAHAY BARAHA BULSHADA AYAA AHAA MID SIDAN U QORAN:

Nin weyn waa ninkii yaqaana hadal miisaankiis iyo munaasabadiis. Hadalkii Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uu maanta ka jeediyey magaalada Jowhar, kaas oo ku saabsanaa in caasimadda Hirshabeelle la siinayo reer Hiiraan, isaga oo arrintaas ku xiray shuruudo dhowr ah. Waxaan caddeynaynaa in mowqifkeennu yahay in Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday uusan lahayn awood iyo sharciyad uu ku go’aamiyo, ku ballanqaado ama shuruudo ku xiro arrin masiiri ah sida halka ay noqonayso caasimadda Hirshabeelle. Caasimadda Hirshabeelle ma aha hadiyad uu Madaxweyne muddo dhaaf ah bixiyo, mana aha arrin lagu go’aamin karo ballanqaad siyaasadeed oo ka yimaada hoggaan muddo-xileedkiisu dhammaaday. Arrintani waxay si toos ah u khusaysaa bulshada walaalaha ah ee reer Hirshabeelle, haka soo jeedaan Hiiraan ama Shabeellaha Dhexe. Waa inay iyagu ka heshiiyaan mustaqbalka hoggaanka iyo caasimadda, iyaga oo kaashanaya dowlad haysata sharciyad iyo oggolaansho buuxda. Dowladnimadu waa laba heer: dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada (States), kuwaas oo dadkoodu ay aayahooda ka tashanayaan, hoggaankooda dooranayaan, isla markaana aysan dowladda dhexe faragelin ku samaynayn. Xasan Sheekh ayaa isagu abuuray dhibaatada Hirshabelle, isaguna ma xallin karo. Waxa uu iska indhatirayaa tabashada reer Hiiraan, oo uu Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ugu horreeyo. Waa nin doonaya in uu dadka marin-habaabiyo, caqligoodana ku ciyaaro. Labada qodob ee aan la iska indha-tiri karin ee ku jirtay hadalka Xasan Sheekh ee ahaa meel dhaca iyo marin habaabinta ayaa aheyd:

(1)-In uu u sawiray Bulshada Gobolka Hiiraan, kuwa aan astaahilin dowladnimada, lana aamini karin, sidaasi darteedna uu door bidayo in uu helo cid iyaga dammaanad qaadda, fikirka noocaan ah waa kalsooni xumo iyo aragti liidata oo aan ku wanaagsaneyn dadka lagu aaminay masiirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

(2)-Madaxweynaha uu wakhtigu ka dhammaaday, waxa uu weli ku adkeysanayaa isku milidda labada heer dowladnimo, waxa uu sii fogeynayaa hannaan kasta oo xal iyo midnimo loogu heli lahaa Hirshabeelle, waana dhaawac kale oo weyn uu uga tegayo nidaamkan iyo guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed, lamana aqbali karo. Reer Hirshabeelle waxaa la gudboon inay si dhab ah uga tashadaan aayahooda siyaasadeed, mustaqbalkooda iyo masiirka maamulkooda, maadaama dalka uusan maanta ka jirin dowlad federaal ah oo haysata sharciyad iyo kalsooni siyaasadeed oo buuxda. Ma aha in bulsho dhan ay mustaqbalkeeda ku xirto go’aanka shaqsiyaad siyaasadeed oo dano gaar ah wata. Aayaha Hirshabeelle waa inuu ku dhisnaadaa rabitaanka dadkeeda, heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay iyo hannaan ay bulshada qayb ku leedahay. Sambalooshe ayaa ah shaqsi cadeeyey mawqifkiisa ku aadan dalka Somaaliya Guud ahaan gaar ahaan DG H/shabeele, waxa uuna sheegay inuu cid kasta u soo wadan doono burburinta Dawladnimada Soomaaliya eyna ku jirto H/shabeele. Ma ahayn in Sambalooshe sidaan ey DFS uga aamusto iyada oo aan a qaadin wax talaabo ah lana xiriirta ficilkii uu sameeyey ee ah Qaran Dumis iyo Khiyaano Qaran.

XIGASHO-WAKAALAD.


Next
Next

WASIIR FIQI OO MQDISHO KULA KULMAY RUTH ANNE.