(MUUQAALKA)-LAFTAGAREEN IYO QOORQOOR.
(DH/MAREEB/GALMUDUG)-Madaxweynihii hore ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa sheegay inay xiriir la sameyn doonaan madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), isla markaana ay wafdi u diri doonaan. Qoor Qoor ayaa sheegay inuu xiriir gaar ah oo saaxiibtinimo la lahaa Lafta-gareen, isaga oo ku tilmaamay nin wanaagsan. “Lafta-gareen waa la xiriiraynnaa, wafdina waa u diraynnaa. Saaxiib gaar ah ayaan ahayn Lafta-gareen, waana nin wanaagsan,” ayuu yiri Qoor Qoor. Hadalka madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa kusoo aadaya iyadoo weli ay taagan tahay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay isbeddelkii hoggaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay inuu sabab u yahay xiisadaha siyaasadeed ee ka dhashay xaaladaha Koonfur Galbeed iyo Gobolka Hiiraan. Odawaa ayaa sheegay in Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uusan dooneyn inuu duurka galo, balse tallaabooyinka Madaxweyne Xasan Sheekh ay ku qasbeen inuu xaaladdaas galo. Sidoo kale, xildhibaanka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu sabab u yahay tabashada xooggan ee Ugaaska Beesha Xawaadle, Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif. “Cabdicasiis Lafta-gareen waxa duurka geliyay waa Xasan Sheekh, ee duurka ma uusan rabin. Ugaaska Xawaadle wixii ka oohsiiyay waa Xasan Sheekh,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa. Hadalka Odawaa ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku shareereen khilaafaadka siyaasadeed ee dowladda Federaalka kala dhexeeya dhinacyada mucaaradka ah iyo hoggaanka dhaqanka ee Gobolka Hiiraan.
ISHA-RISAALA.