MADAXWEYNE Dr.XASAN SHEEKH OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA QM.

(SAWIRKA)-XARUNTA MADAXTOOYADA SOOMAALIYA.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku qaabilay Madaxtooyada Qaranka, Madaxa Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA), Mudane Claver Gatete oo booqasho rasmi ah ku yimid dalka, si uu uga qeybgalo daahfurka rasmiga ah ee Shirka Hiigsiga Qarni-jirka 2060. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay horumarka muuqda ee Soomaaliya ey gaartay sannadihii la soo dhaafay, kuwaasoo ey ka mid yihiin, Dhammeystirka Hannaanka Deyn Cafinta, ku biirista rasmiga ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC), Kobaca Dakhliga Gudaha iyo Hagaajinta Nidaamka Maaliyadda. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaanka Ururrada Siyaasadeed ee is diiwaangaliyey, kuwaasoo door muuqda ku leh Hannaanka Dimoqraadiyadda iyo dib-u-dhiska nidaamka xisbiyada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay sida ey uga go’an tahay Xukuumadda DanQaran xoojinta wada-shaqeynta Dowladda iyo Ururrada Siyaasadeed, dar-dargelinta Hannaanka Doorashooyinka Qof iyo Cod ah, iyo in la hirgeliyo nidaam siyaasadeed oo ku dhisan hufnaan, daahfurnaan iyo kalsooni shacabka. Ra'iisul Wasaare Xamsa, ayaa tilmaamay in dowladdu ey mudnaan gaar ah siineyso hirgelinta doorashooyin loo dhan yahay, iyadoo la dardar-gelinayo qorshaha qaran ee doorashooyinka, si muwaadiniintu ey u helaan fursad ey si siman ugu go'aan gaari karaan mustaqbalka dalka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, ayaa bogaadiyay doorka ey Ururrada Siyaasadeed ey ku leeyihiin kobcinta dimoqraadiyadda iyo xoojinta isla xisaabtanka, isaga oo xusay in Xukuumadda DanQaran ey si buuxda uga go’an tahay iney la shaqeyso dhammaan daneeyeyaasha siyaasadeed. Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in xukuumadda ey ka uga go’an tahay sii amba-qaadidda la-tashiyada qaran oo saldhig u ah dhismaha hannaanka siyaasadeed, iyadoo la dhageysanayo aragtiyahooda ku aaddan mustaqbalka siyaasadda dalka.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

AXMED MADOOBE OO SOO GAARAY GARAWE,SABABTA?

Next
Next

BAARLAMAANKA IRAAN OO ANSIXIYEY IN LA XIRO…