AXMED MADOOBE OO SOO GAARAY GARAWE,SABABTA?

(SAWIRKA)-SOO DHAWEYNTA AXMED MADOOBE EE GARAWE.

(GARAWE)-Wararka inaga soo gaarayo caasimadda Dawlad goboleedka Puntland ee Garawe ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, halkaasoo uu kulan siyaasadeed kula yeelanayo Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni. Kulanka labada hoggaamiye oo ka dhacaya maanta Garoowe, ayaa diiradda lagu saari doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan muranka ka taagan wax ka beddelka dastuurka KMG ah oo ey sameysay DFS Soomaaliya iyo arrimaha doorashooyinka la filayo iney dalka ka dhacaan sannadka 2026. Warar xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in labada dhinac ey isku dayayaan iney kasoo saaraan mowqif mideysan oo ey uga jawaabayaan isbeddelka dastuurka iyo khilaafka siyaasadeed ee Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada qaarkood. Sidoo kale, waxaa la filayaa in kulankan uu horseedo casuumaad rasmi ah oo loo fidinayo mucaaridka ku sugan Muqdisho, si shir siyaasadeed oo ballaaran loogu qabto Garoowe, kaasoo lagu falanqeyn doono jihada cusub ee siyaasadda Soomaaliya, iyada oo la wajahayo doorashada madaxtinimada ee 2026. Kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay ee rasmiga ah oo ey Axmed Madoobe iyo Saciid Deni yeeshaan tan iyo doorashadii guud ee dalka ka dhacday sannadkii 2022. Labada hoggaamiye ayaa dhawaan kulmay magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraatka Carabta, halkaasoo ey kaga heshiiyeen mad-madow siyaasadeed oo saameeyay xiriirkooda ka dib doorashadaasi. Labadaan Dawlad Goboleed(Puntland iyo Jubaland) ayaa ah kuwa si aad ah ugu xiran Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta taaso aan jecleyn in dalka Soomaaliya uu isku taago cagihiisa kana gudbo caqabadaha dhaqaale,Siyaasadeed iyo Amni ee hortaagan horumarkiisa. Imaaraatku waxa uu dhibaato muuqata ku hayaa dalal kale ey ka mid yihiin Liibiya, Yaman iyo Suudaan,wadamadaan iyo Soomaaliya intuba waxa ey si buuxda uga wada tirsan yihiin Ururka Jaamicadda Carbta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka(OIC) Imaaraatkuna uu xubin ka yahay,mana jirto cid wax iska weydiisay dhibaatada ka taagan dalalka aan soo sheegay ey Soomaaliya Imaaraatkuna u yahay sabab.

ISHA-SB-MEDIA.


Previous
Previous

MARAYKANKA OO DHIMAAYO SHAQAALAHA KA HAWLGALO…

Next
Next

MADAXWEYNE Dr.XASAN SHEEKH OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA QM.