BAARLAMAANKA IRAAN OO ANSIXIYEY IN LA XIRO…

(SAWIRKA)-MARINKA HORMUZ.

(IRAN)-Baarlamaanka Iran ayaa ansixiyay tallaabo lagu xirayo marin biyoodka Hormuz oo ey maraan isu socodka badda ka dib markii Mareykanku uu weeraray saddex Xarumood oo Nukliyeer ah, sida uu sheegay Xildhibaan sare Axadii. "Baarlamaanka waxa uu gaaray go'aan ah in la xiro marin biyoodka Hormuz," Major General Esmaeil Kowsari, oo ah xubin ka tirsan Guddiga Amniga Qaranka ee Baarlamaanka, ayaa sidaasi ku sheegay bayaan uu baahiyay TV-ga ey dowladdu maamusho ee Press TV. Marinka Hormuz waxaa loo arkaa marinka ugu muhiimsan adduunka ee gaadiidka saliidda.  "Go'aanka kama dambaysta ah ee arrintan la xiriira waxaa iska leh Golaha Sare ee Amniga Qaranka," Kowsari ayaa ku daray.  Golaha Sare ee Amniga Qaranka wuxuu u adeegaa sida maamulka ugu sareeya ee amniga Iran. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay subaxnimadii hore ee Axadda in ciidamadiisa ey duqeeyeen saddex goobood oo Nukliyeerka Iran ey ku leedahay Fordo, Nadhanz, iyo Isfahan. Weeraradan ayaa ku soo beegmaya iyadoo ey sii kordheyso weeraradii ugu dambeeyay ee ciidamada israa’iil ee uu Maraykanku taageerayo ey ku qaadeen Iran tan iyo 13-kii June, taasoo keentay in Tehran ey weeraro aargoosi ah ku qaado Isra’iil. Maamulka Isra’iil ayaa sheegay in ugu yaraan 25 qof ey ku dhinteen boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen weerarada gantaallada ee Iran. Dhanka kale, gudaha Iran, 430 qof ayaa lagu dilay in ka badan 3,500 oo kalena waa lagu dhaawacay weerarka Isra’iil, sida ey sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Iran. Sida ey sheegeen Culimada badaha Marinka Hormuz celcelis ahaan waxaa maalintii mara 70 ilaa 100-Markab isuguna jira kuwa qaada Shidaalka iyo Ganacsiga,waxaa kaloo mara 20% shidaalka caalamka laga isticmaalo taaso lagu qiyaasay iney dhan tahay 20-Milyan oo Fuusto oo Saliida Ceeriin ah,haddii ey dhacdo in dawladda Iraan ey si rasmi ah u xirto Marinka Hormuz waxa uu dhaqlaae ahaan sameyn doonaa dalalka kala ah”Sacuudiga, Imaaraatka Carabta, Kuweyt, Ciraaq iyo Iraan”.

ISHA-AA.

Previous
Previous

MADAXWEYNE Dr.XASAN SHEEKH OO QAABILAY WAFDI KA SOCDA QM.

Next
Next

MARAYKANKA OO SEDDEX GOOBOOD OO MUHIIM AH KA WEERARAY IRAAN.