MADAXA HAYADDA SOCDAALKA OO SAMEEYEY ISKU SHAANDHEYN.

(SAWIRKA)-AGAASIME CARTAN MAXAMED CARTAN.

(MUQDISHO)-BREAKING NEWS: Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Agaasimaha Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Md.Mustafa Sheekh Cali Dhuxulaw uu sameeyey isku shaandheyn deg deg ah kuna saabsan dhinaca Agaasinka iyo maamulka Hayadda. Isbedelkaan deg dega ah ayaa sameeyey Qeybo iyo Waaxyo ka mid ah Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya, tusaale ahaan, Madaxa Laanta Socdaalka ee Garoonka Aden Cadde ayaa waxaa loo magacaabay nin magaciisa lagu soo koobay Nuuradiin, ninkaan ayaa horay waxa uu u ahaa Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha HSJ, C/laahi Goos-Goos ayaa waxaa loo magacaabay Agaasime ku Xigeenka Garoonka Aden Cadde, Mukhtaar Cali Salaad ayaa waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Kaalinka, Gabar magaceeda lagu soo koobay Najma ayaa loo magacaabay Ku-Xigeenka Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaga ee HSJ, Madaxa Qeybta Baarista iyo Dabagalka ee HSJ ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Amiin. Dhinaca kale, waxaa jiro masuuliyiin waayey xilalkooda loona diray baaris ka dib markii lagu soo eedeeyey iney ku lug yeesheen Musuq-maasuq baahsan oo dhex jiray Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, tusaala ahaan Madaxii hore ee Socdaalka ee Garoonka Aden Cadde ee magaaladda Muqdisho Md.Cartan Maxamed Cartan waxaa loo diray Xeer ilaalinta Qaranka si ey baaritaan ugu sameeyso dhacdooyin ka dhacay Garoonka Aden Cadde eyna ka mid yihiin tahriibin dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka dhoofay Garoonka Aden Cadde, Madaxii hore ee Qeybta Xaqiijinta ee Waaxda Baarista iyo Dabagalka ee Hayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Md.C/xamiid Maxamed Faarax isagana waxaa loo diray Xeer Illiyaha Qaranka Xafiiskiisa si baaritaan loogu sameeyo eedeyamaha la xiriira in Baasboorka Soomaliga ah loo sameeyey dad aan Soomaali ahayn.

SUUBACAAD MEDIA/MOGADISHO-SOMALIA.

Next
Next

CABAAS OO ISU DHIIBAY CIIDAMADDA DFS EE KU SUGAN JL.