GIRIIGA: DAB WARSHAD KA KACAY OO EY KU DHINTEEN SEDDEX QOFOOD.

(SAWIRKA)-WARSHADA GUBATAY.

(ATHENS/GREECE)-Qarax iyo dab ayaa ka kacay Warshad Buskudka sameysa oo ku taal meel u dhow magaalada Trikala ee bartamaha Giriigga , taasoo ey ku dhinteen ugu yaraan saddex shaqaale ah, laba kalena aan la ogeyn meel ay ku sugan yihiin, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu Isniinta maanta ah. Qaraxa ayaa dhacay intii lagu jiray shaqada habeenkii ee Warshadda Violanta SA, taasoo keentay dab weyn oo cirka u diray qiiq madow oo qaro weyn. 

MAXAAN KA NAQAAN DABKA?

Dab-damisku wuxuu sheegay in qiyaastii 40 dab-damis iyo 13 matoor oo dab-damis ah ay la dagaallameen dabka. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in siddeed ka mid ah 13-kii qof ee Warshadda ku jiray ay ku guuleysteen inay baxsadaan, halka saddex meyd laga soo saaray dhismaha, oo qiyaastii 320 kiiloomitir (2000 mayl) waqooyi ka xigta magaaladda caasimadda ah ee Athens . Laba qof ayaa la sheegay in la la'yahay iyadoo hawlgallada raadinta ay sii socdeen, sida ay sheegeen saraakiisha dab-damiska. Sababta qaraxa ayaa weli aan la caddeyn. Violanta SA waxay sheegtay inay diiradda saarayso taageeridda shaqaalaha iyo qoysaskooda, sida lagu sheegay bayaan ay baahisay Wakaaladda Wararka ee Athens. Lix qof, oo ay ku jiraan dab-damis, ayaa lagu daaweynayaa isbitaal ku yaal Trikala, inta badan dhibaatooyin neefsasho awgeed, sida uu sheegay Wasiirka Caafimaadka Adonis Georgiadis oo la hadlay idaacadda ERTnews, isagoo intaa ku daray in midkoodna uusan ku jirin xaalad halis ah oo nolosha ah. Baarayaasha iyo kooxaha ka jawaabaya masiibooyinka ayaa ku sugnaa goobta iyadoo mas'uuliyiintu ay ka shaqeynayeen sidii loo ogaan lahaa waxa qaraxa kiciyay. 

XIGASHO-DW.

Previous
Previous

MEXICO: TOOGASHO EY DAD KU DHINTEEN OO KA DHACDAY GAROON K/CAGTA.

Next
Next

MADAXA HAYADDA SOCDAALKA OO SAMEEYEY ISKU SHAANDHEYN.