MEXICO: TOOGASHO EY DAD KU DHINTEEN OO KA DHACDAY GAROON K/CAGTA.
(SAWIRKA)-GAROONKA EY TOOGASHADA KA DHACDAY.
(MEXICO)-Koox rag ah ayaa rasaas ku furay garoon kubadda cagta ah oo ku yaal gobolka Guanajuato ee bartamaha Mexico , halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 11 qof, 12 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas'uuliyiintu. Haweeney iyo cunug ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay weerarka, sida uu sheegay duqa magaalada Salamanca Cesar Prieto. "Dhacdadan waxay ku sii kordhinaysaa mowjado rabshado ah oo aan si murugo leh uga dareemayno gobolka, gaar ahaan Salamanca," ayuu raaciyay. "Nasiib darro, kooxaha dambiilayaasha ah ayaa isku dayaya inay maamullada hoos geeyaan, taas oo aysan gaari doonin." Wuxuu sidoo kale ka codsaday Madaxweyne Claudia Sheinbaum inay gacan ka geysato sidii loo xakameyn lahaa rabshadaha. Sida laga soo xigtay Prieto, gumnen wuxuu yimid dhammaadka ciyaarta kubadda cagta. Prieto wuxuu sheegay in ujeeddada weerarka aan si dhakhso ah loo caddayn. Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Guanajuato, halkaas oo Salamanca ay ku taal, ayaa sheegay in baaritaan lagu sameeyay weerarka. Xafiisku wuxuu isku dubariday mas'uuliyiinta si loo hagaajiyo amniga aagga, loo ilaaliyo dadkeeda iyo in la helo dambiilayaasha, ayay raacisay bayaan ay soo saartay. "Kuwa mas'uulka ah waa la heli doonaa," ayuu Prieto ku daray hadalladiisa Facebook. Guanajuato waa goob dalxiis oo caan ah iyo xarun warshadeed, laakiin sidoo kale waa gobolka ugu dhimashada badan Mexico sababo la xiriira dagaallada kooxaha , sida laga soo xigtay tirakoobka rasmiga ah ee dilalka.
XIGASHO-DW.