CABAAS OO ISU DHIIBAY CIIDAMADDA DFS EE KU SUGAN JL.

(SAWURKA)-CABAAS OO KA SO JEEDO RUUN-NIRGOOD.

(KISMAAYO/JL)-Wararka laga helaayo degaanadda hoostaga Gobolka Jubadda Hoose ee dawlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in in Saakay aroortii, deegaanada Saaka iyo Buula Xaaji, uu is-dhiibay Muxumed Axmed Ismaaciil, oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, magaca afgarasho ee khawaarijta uuyahay “Nageeye.” Khawaarijkan ayaa isa soo dhiibay isagoo wata qori noociisu yahay PKM, waxaana haatan gacanta ku haya Ciidamada Daraawiishta Jubaland, waxaana ku socda baaritaano la xiriira sharciga. Is-dhiibiddan ayaa imaneysa ka dib jabkii culus ee Khawaarijta ku gaaray deegaanka xeebeedka Kudhaa afar (4) maalmood ka hor, jabkaa oo si weyn u wiiqay awooddii iyo niyaddii maleeshiyaadka, una muujinaya cadaadiska sii kordhaya iyo guulaha is-daba-joogga ah ee ay gaarayaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo garab ka helaya ciidamada Jubaland. Saraakiisha amniga ayaa tilmaamay in howlgallada sifeynta ay sii socon doonaan, isla markaana la dardargelin doono baacsiga firxadka Khawaarijta si loo xaqiijiyo amniga guud ee deegaannada laga xoreeyay. Dhinaca kale, Cabaas Daahir Calasow, oo da’diisu tahay 20 sano jir, kana tirsanaa maleeshiyaadka Khawaarijta, ayaa galabta saacaddu markay ahayd 5:30 galabnimo (Saacadda Bariga Afrika) isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Guutada 11-aad, Qeybta 43-aad, kuwaas oo ku sugan deegaanka Bar-sunguuni. Cabaas ayaa sheegay in uu ku biiray kooxda cadowga Khawaarijta sanadkii 2022, xilli uu ku sugnaa deegaanka Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Is-soo-dhiibidda Cabaas ayaa timid ka dib markii maleeshiyaadka Khawaarijta jab xooggan lagu gaarsiiyey dagaallo ka dhacay deegaanka Kudhaa, taas oo niyad-jab iyo kala yaac ku keentay xubno badan oo ka tirsanaa kooxdaasi. In kooxda Alshabaab dagaal geliyaan dhallinyaro aan garayneyn degaanka ey ka dagaalmayaan waa mid u caada ah waayo Alshabaab waxa ey diidayaan in dhallinyarada ey aqoonsadaan degaanka dabadeedna ey ka firxadaan dagaalka beenta ey kula jiraan ciidamadda DFS. Khiyaanadda Alshabaab ee adeegsiga dhallinyarada ma aha mid hadda soo bilaabatay ee waa mid soo jireen ah ey ku halaageen dhallinyarada ku nool degaanada ey ka arrimiyaan Alshabaabku.

XIGASHO-SNA RADIO.

Next
Next

MASAR OO GEN.XAFTAR KU CADAADINEYSO INUU XIRIIRKA U JARO IMAARAATKA.