MACAAWIISLEYDA DEG.C/DHEER OO XASUUQAY MALEESHIYADDA ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-MACAAWIISLEYDA C/DHEER.

(C/DHEER/GM)-Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal xoogan oo deegaano hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ku dhexmaray ciidamo ka tirsan kuwa Macawiisleyda iyo kooxda AL-shabaab. Ciidanka Macawiisleeyda ayaa weerar ku qaaday fariisin ay maleeshiyaadku ku lahayeen duuleedka degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, waxaana halkaas labada dhinac ku dhexmaray dagaal qaatay mudo ku dhaw hal saac. Deegaanada uu dagaalka ka dhacay ayaa kala Cali Yabaal, Uubad iyo Xirsi Cilmi, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Cabdulqaadir Cali Bugle oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Macawiisleyda ayaa Warbaahinta u sheegay in khasaare xoogan ay gaarsiiyeen xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab, isagoona cusay in ciidamadooda aysan soo gaarin wax khasaare ah. Dagaalkaan ayaa imaanaya, iyadoo Al-shabaab ay wali ku sugan yihiin deegaano badan oo ka tirsan gobolada Galgaduud iyo Mudug ee maamulka goboleedka Galmudug.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY DALKA PAKISTAN.

Next
Next

DEG DEG: BANAANBAX KA SOCDO GAROONKA ADEN CADDE.