QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY DALKA PAKISTAN.

(SAWIRKA)-GOOBTA QARAXA KA DHACAY.

(ISLAMABAD/PAKISTAN)-Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay bannaanka dhismooyinka Maxkamadda degmada ee caasimadda Pakistan ee Islamabad ayaa dilay ugu yaraan 12 qof, 27 kalena waa ku dhaawacmeen Talaadada maanta ah, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha gudaha. Weerarkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo magaalada lagu soo qaado muddo sanado ah ayaa dadka cabsi darteed uga cararay goob ay sidoo kale ku yaallaan dhowr xafiis oo dowladda ah. "Weerar ismiidaamin ah ayaa lagu qaaday," Wasiirka Arrimaha Gudaha Mohsin Naqvi ayaa u sheegay suxufiyiinta. "Ilaa hadda 12 qof ayaa ku shahiiday 27 kalena waa ku dhaawacmeen." Wariye ka tirsan Wakaalada Wararka ee AFP ayaa arkay ciidamo gurmad ah oo isku gadaamay goobta uu Wasiirku sheegay in ninka weerarka geystay uu ku qarxiyay gaari ay wateen ciidamada booliska. "Waxaan isku dayeynaa inaan aqoonsanno qofka uu yahay qofka fuliyey weerarka iyo meesha uu ka yimid," Naqvi ayaa yiri. Ma jirin sheegasho deg deg ah oo mas'uuliyad ah, iyadoo Raysal Wasaare Shehbaz Sharif uu eeda dusha ka saaray "Xubnaha Argagixisada ee ay taageerto Hindiya," Pakistan oo ah cadowga muddada dheer, isaga oo aan bixin caddayn. Magaalada Delhi ee caasimadda dalka Hindiya waxaa Isniintii ka dhacay qarax baabuur, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan siddeed qof. Shariif ayaa ku eedeeyay kooxda Taliban Pakistan ee ka dagaalanta dalka Pakistan iyo gooni u goosadka gobolka Balochistan ee dalkaasi, oo labaduba ay fuliyeen weeraro inta badan lagu bartilmaameedsaday ciidamada ammaanka. Islamabad, qareen Mohammed Shahzad Butt wuxuu sheegay inuu jiro "qarax weyn." "Qof walba wuxuu bilaabay inuu gudaha u cararo argagax aawadiis, waxaan arkay ugu yaraan shan meyd ah oo yaal albaabka hore," ayuu u sheegay AFP. Rustam Malik, oo ah qareen kale, ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay inuu "maqlay jug weyn oo ka dhacday albaabka" markii uu soo galayay dhismaha. "Waxay ahayd fowdo dhammaystiran, qareenno iyo dad ayaa ku dhex yaacay dhismaha, waxaan arkay laba mayd oo albaabka daadsan iyo dhawr baabuur oo gubanaya," ayuu yidhi Malik. Islamabad ayaa inta badan laga badbaadiyay rabshado waa-weyn oo mintidiin ah sannadihii la soo dhaafay, iyadoo weerarkii ugu dambeeyay ee ismiidaaminta ahaa uu dhacay December 2022. Duqeynta ayaa timid xilli ciidamada ammaanka Pakistan ay la dagaalameen maleeshiyaad ku sugnaa iskuul ku yaal waqooyi-galbeed ee Khyber Pakhtunkhwa degmada Wana. "Weerar ayaa ka dhacay Wana sidoo kale xalay," Naqvi ayaa tiri. "Saddex qof ayaa ku dhintay weerarka, weerarka ayaa waxaa ku lug lahaa Afgaanistaan ​​si toos ah ayay ugu lug leedahay weerarka."

XIGASHO-AL-CARABIYA.

Next
Next

MACAAWIISLEYDA DEG.C/DHEER OO XASUUQAY MALEESHIYADDA ALSHABAAB.