DEG DEG: BANAANBAX KA SOCDO GAROONKA ADEN CADDE.
(SAWIRKA)-GAROONKA ADEN CADDE.
(MUQDISHO)-Xaalad kacsan ayaa ka taagan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kadib markii shirkadda Turkiga ah ee Favori LLC ay shaqada ka joojisay boqolaal shaqaale Soomaaliyeed ah oo ka howlgelayay garoonka, sida ay sheegeen Goobjoogayaal. Go’aankan ayaa sababay in shaqaalihii la eryay ay sameeyaan mudaharaad ballaaran gudaha garoonka, iyagoo ku eedeeyay maamulka shirkadda inay si “nasiib darro iyo takoor ah” u ceyrisay shaqaalaha Soomaaliyeed, halka ay shaqaalihii beddelay ka keentay dalal shisheeye. Wararka ayaa sheegaya in qaar ka mid ah shaqaalaha cusub ee lagu beddelayo Soomaalida ay yihiin ajanib laga keenay Turkiga iyo dalal kale, taasoo sii hurisay caro iyo gadood ka dhex aloosmay shaqaalaha la ceyriyay. Sidoo kale waxaa la filayaa in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay tagaan garoonka si ay ula hadlaan labada dhinac oo xaaladdu ay u muuqato mid kasii dareyneysa. Qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa sheegay in hawlihii duulimaadyada qaarkood ay hakad galeen, ka dib markii qaar kamid ah shaqaalaha muhiimka ah ay joojiyeen shaqooyinkii ay hayeen. Tallaabadan ayaa imaneysa iyadoo muddooyinkii dambe la hadal-hayay khilaaf soo jireen ah oo u dhexeeyay shaqaalaha maxalliga ah iyo maamulka shirkadda Favori, kaasoo ku saabsan mushaarka, xuquuqda shaqaalaha iyo go’aano lagu sheegay kuwo cadaalad darro ah.
XIGASHO-RISAALA.