KULANKA GENEVA EE IRAN IYO YURUB, MAXAA LAGA FILAN KARAA?
(SAWIRKA)-WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA IRAAN CABAAS CARAQJI.
(GENEVA)-Ka hor kulanka soo socda ee Geneva ku dhexmari doona Jimcaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Cabaas Caraqji iyo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Faransiiska Jean-Noel Barrot, Britain, David Lamy, iyo Jarmalka, Johan Vadephul,Madax Arrimaha Dibadda midawga Yurub Kaja Kallas, Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa shaaca ka qaaday in Troika Yurub ey soo bandhigi doonto hindise gorgortan oo dhameystiran. Dhinaca bandhigga hawada ee Paris, Macron waxa uu sharaxay in bixinta ey ku jiraan saddex shay ama arrimo:(A)-Barnaamijka Nukliyeerka,(B)-Hawlaha gantaallada ballistic-ga, iyo (C)-Maalgelinta kooxaha hubaysan ee gobolka. Waxa uu yiri, "Wada xaajoodyada Iran waa iney ku jiraan maalgelinta kooxaha Argagixisada ah ee khalkhal geliya gobolka, iyo sidoo kale xoojinta kormeerayaasha caalamiga ah ee kormeerka Xarumaha Nukliyeerka."
MUDNAANTA GORGORTANKA:
Waxa uu sidoo kale carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in "Mudnaan la siiyo dib u soo noqoshada wada xaajoodyada la taaban karo" ee ku saabsan arrinta Nukliyeerka, wuxuuna ugu baaqay Israa'iil iney joojiso weerarada ey ku hayso "kaabayaasha rayidka ah ee Iran."
"XAALAD KII UGU XUMAA":
Madaxweynaha Faransiiska ayaa carabka ku adkeeyay in “Hubka Nukliyeerka Iran uu leeyahay khatar dhab ah”. Isla macnaha guud, ilo dublamaasiyadeed ayaa shaaca ka qaaday in soo jeedintan dhammaystiran ey si faahfaahsan uga hadli karto, tusaale ahaan, “Qeexidda qaab-dhismeedka si qoto-dheer loo xaqiijiyo tas-hiilaadka Nukliyeerka Iran, waxayna qeexi kartaa gelitaanka Wakaaladda Tamarta Nukliyeerka ee Caalamiga ah meel kasta si ey u sameeyaan kormeero iyada oo aan ogaysiis hore la helin,” sida laga soo xigtay Agence France-Presse. Waxa uu intaa ku daray, "Tani waxa ey noqon doontaa nooc kormeer ah oo la mid ah kii lagu dabaqay barnaamijkii Nukliyeerka Ciraaq 1991 ka dib iyo dagaalkii Khaliijka, kaasoo markhaati ka ahaa jabkii Saddaam Xuseen." Arrintan ayaa timid sida uu Caraqji ku dhawaaqay, ka hor inta uusan aadin Yurub, in eysan jiri doonin wax wada xaajood ah oo lala galo Mareykanka ilaa weerarka Israel uu joogsado. Diblomaasi reer Yurub ah ayaa shalay tilmaamay in Maraykanku, oo ka duwan reer Yurub, eysan hadda awoodin iney la fariistaan Iraaniyiinta. Waxa uu intaa ku daray in troika uu u caddayn doono Caraqji baahida loo qabo in lagu soo laabto miiska wada xaajoodka si looga wada hadlo arrinta Nukliyeerka ka hor "xaalad kii ugu xumaa ee dhacay," isaga oo tixraacaya suurtagalnimada in Maraykanku uu ku lug yeesho dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Iran, kaasoo galay maalintii siddeedaad. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in kulanka ka dhacaya Geneva looga hadli doono taageerada Iran ee Ruushka iyo xariga muwaadiniinta Yurub, sida ey sheegtay Wakaaladda Wararka ee Reuters. Waxaa xusid mudan in quwadaha reer Yurub, oo aan ka qaybgalin wada xaajoodkii Nukliyeerka Iran ee bishii April ee la soo dhaafay, ey aad uga xumaadeen istiraatijiyadda wada xaajoodka ee Maraykanka ee wada-hadallada. Waxay u tixgelisay qaar ka mid ah dalabaadka kuwo aan macquul ahayn, iyada oo ka baqaysa in qaadashada qaab-dhismeedka siyaasadeed ee bilowga ah ee daciifka ah ey horseedi doonto wadahadal aan lahayn dhammaadka cad.
ISHA-AA.