ISBEDELADDA MUUNGAAB KU SAMEEYEY G/BANAADIR,MAXAY SOO KORDHIN DOONTAA?

(SAWIRKA)-GUDOOMIYE MUUNGAAB.

(MUQDISHO)-Tan iyo markii dib loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahne duqa caasimadda Muqdisho Md.Xasan Maxamed Xuseen”Muungaab”,waxa uu weday dib u habeeyn iyo u kuurgelid hawlaha Gobolka Banaadir oo aan kala socon,hadaba sida lagu arkaayey warbaahinta Gudaha Gudoomiye Muungaab waxa uu sameeyey Magacaabis iyo Xil ka qaadis saameysay Gudoomiyeyaal degmo iyo Agaasimeyaal Waaxeed ee Dawladda Hoose ee Xamar. Isbedelada uu sameeyey Gudoomiye Muungaab ayaa waxaa ka mid ah Magacaabista (1)-Agaasimaha Waaxda Dhul Bixinta oo loo magacaabay Ismaaciil Cali Xuseen,waxaane xilkaan haayey oo laga qaaday Zakariye Bashiir Muude iyo C/casiis Axmed Cali.(2)-Xamdi Fatxi Cali,waxaa loo magacaabay,Agaasimaha Waaxda Amniga iyo deriseynta G/Banaadir,waxaane xilkaan laga qaaday C/fataax Jiinaw Gacal iyo Mahad Xuseen Axmed. (3)-Hani Xasan Cali,waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Degaanka G/Banaadir,waxaane xilkaan laga qaaday C/laahi Xasan Maxamed.(5)-Maxamed C/laahi Abubakar(Dhaaleey),waxaa loo magacaabay Agaasimaha Xafiiska Gudoomiyaha G/Banaadir ahne Duqa Caasimadda Muqdisho,waxaane xilkaan laga qaaday Ismaaciil Sheekh Nuur. (6)-Liibaan Cali Maxamed,waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Warta Nabadda ee G/Banaadir,waxaane xilkaan laga qaaday Seynab Maxamed Xaabsey. (7)-Cumar Meyre Mocow,waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Degmada Dharkinleey ee G/Banaadir,waxaane xilkaan laga qaaday Maxamud Xaaji Cali Fiidaw. Isbedeladaan uu sameeye Gud.Muungaab malaga yaabaa iney wax ka bedelaan dhibkii haystay shacabka G/banaadir? Mase yihiin isbedelo yimid waqtigii loo baahnaay?

ISHA-SB-MEDIA.

Previous
Previous

KULANKA GENEVA EE IRAN IYO YURUB, MAXAA LAGA FILAN KARAA?

Next
Next

MW-Dr.XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SOO XIRAY MADASHII WADATASHIGA QARANKA.