MW-Dr.XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SOO XIRAY MADASHII WADATASHIGA QARANKA.

(SAWIRKA)-MW-DR.XASAN SHEEKH MAXAMUD.

(MUQDISHO)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray Gogosha Wadatashiga Qaran oo muddo afar maalmood ah ka socotay magaalada Muqdisho, taasoo ey ka qeyb galeen masuuliyiin hore, Ururada Siyaasadda, Bulshada Rayidka ah, Culimada iyo Qaybaha kala duwan ee bulshada. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey dhammaan masuuliyiinta iyo Madaxda ka soo qeybgalay Madashan masuuliyadda iyo xilkasnimada ey muujiyeen, iyagoo aragtidooda ku biiriyey dowlad-dhiska, xasilloonida iyo horumarka dalka. "Dadka Soomaaliyeed ee wax kuleh masiirka dalkeena ee ka soo qeybgalay Gogoshan Wadatashiga Qaran waa Danjirayaal Soomaaliyeed u idman iney baahiyaan farriinta nabadda, wadajirka iyo wadahadalka. Codkiinna iyo taladiina wax ku ool-ka ah wax weyn ayey ka beddeli karaan hannaanka Siyaasadeed ee dalka". Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay Madaxdii hore ee dalka iney ka dhabeeyaan ballanqaadyadii ey hore u sameeyeen ee ku saabsan dhameystirka Dastuurka iyo hirgelinta doorashada tooska ah oo ey naawaliyaan shacabka Soomaaliyeed, waxa uuna tilmaamay in albaabbada wadahadalku ey mar walba u furan yihiin dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed iyo qaybaha kale ee bulshada.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

ISBEDELADDA MUUNGAAB KU SAMEEYEY G/BANAADIR,MAXAY SOO KORDHIN DOONTAA?

Next
Next

MADAXWEYNAHA MARAYKANKA OO KA FKERAAYO IN IRAN LA WEERARO IYO IN KALE.