KHASAARE INTEE LE’EG AYAA SOO KALA GAARAY IRAAN IYO ISRA’IIL?
(SAWIRKA)GENTAALKA JDAM EE IRAAN.
(DUBAI)-Iyadoo ey socdaan "dagaal Maskaxeed" oo u dhexeeya Israa'iil iyo Iran, oo ey weheliyaan iskahorimaadyada milatari ee socda tan iyo Juun 13, labada dhinacba waxay muujinayaan adkeysigooda. Iyadoo Tehran ey xaqiijisay Jimciha maanta ah in qalabkeeda dagaalka uu ku filan yahay dhowr sano, milatariga Israel ayaa ka dhawaajiyay in dagaalku uu sii socon karo muddo dheer. Laakin marka laga reebo dagaalkan War-murtiyeedka ah, maxaa faa’iido ah ee dagaalka labada dhinac uga soo gaaray tiro iyo tafaasiil? Dhanka Israa'iil, iskahorimaadku wuxuu ku kacayaa Boqollaal Milyan oo doolar maalintii. Kharashka gantaalada interceptors si looga hortago gantaalada Iran iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn waa mid aad u badan, oo gaaraya $200 Milyan maalintii, sida ey khubaradu ku qiyaaseen. Tusaale ahaan, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, Israa’iil waxay ridday in ka badan 450 gantaal, sida ey sheegtay dawladda Israa’iil, taasoo u baahan in nidaamka difaaca hawada la hawlgeliyo si loo joojiyo. Nidaamka loo yaqaan 'David's Sling' oo ey si wadajir ah u sameeyeen Israa'iil iyo Mareykanka ayaa soo ridi kara gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dheer.
$ 4-MILYAN HALKII KA HORTAG:
Laakiin waxa ey ku kacaysaa ilaa $700,000 mar kasta oo la hawl-geliyo, iyada oo loo malaynayo iney isticmaasho laba gantaal oo is-hortaag ah, kuwaasoo inta badan ah inta ugu yar ee la rido, sida uu sheegay Yehoshua Kaliski, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee Tel Aviv. Nidaam kale oo la isticmaalo, Arrow 3, wuxuu ka ilaaliyaa gantaalada riddada dheer, wuxuuna ku kacayaa qiyaastii $4-Milyan dhexdaba, Kaliski ayaa yiri. Nooca hore ee Arrow, oo loo yaqaan fallaarta 2, wuxuu ku kacayaa qiyaastii $3-Milyan dhexda kasta. Kharashyada kale ee militariga waxaa ka mid ah qarashka lagu haayo daraasiin diyaaradood oo dagaal, sida dagaalyahanada F-35, hawada muddo saacado ah markiiba, oo qiyaastii 1,000 mayl u jirta dhulka Israel. Diyaarad kasta waxay ku kacaysaa qiyaastii $10,000 saacaddii duulimaadkii, sida uu sheegay Kaleski. Waa in sidoo kale la tixgaliyo kharashka ku baxa shidaal-qaadista diyaaradaha iyo rasaasta, oo ey ku jiraan bambooyinka sida JDAMs iyo MK84s. "Kharashka maalinlaha ah ee dagaalku aad ayuu uga sareeyaa kharashka dagaalka Gaza ama Hezbollah," Zvi Ekstein, oo ah Madaxa Machadka Siyaasadda Dhaqaalaha ee Aaron ee Jaamacadda Reichman ee Israa'iil, ayaa yiri, isaga oo tixraacaya hubka difaaca iyo weerarka.
KA WARAN DHISMAYAASHA?
Dhanka kale, kharashka dayactirka dhismayaasha burburay ee Israa'iil, gaar ahaan Tel Aviv, Haifa, iyo Biir AL-Sabca', ayaa lagu qiyaasay ilaa 400 oo Milyan oo doolar ilaa hadda, sida uu sheegay Wargeyska Wall Street Journal. Xaaladdan oo kale, Karnit Flug, oo ah guddoomiyihii hore ee Baanka Israa'iil oo hadda ah saaxiib sare oo ka tirsan Machadka Dimuqraadiyadda Israa'iil, oo ah xarun feker oo fadhigeedu yahay Jerusalem, ayaa sharxay "in arrinta ugu weyn ee si dhab ah u go'aamin doonta kharashka dagaalku waa muddada." Flug ayaa intaa ku dartay iney aaminsan tahay in dhaqaalaha Israel uu u adkeysan karo khilaaf gaaban. "Haddii ey toddobaad tahay, taasi waa hal shay, laakiin haddii ey tahay laba toddobaad ama bil, waa sheeko gebi ahaanba ka duwan," ayey tiri.
$ 12-BILYAN BISHII:
Halka dhaqaalayahano ah ey ku qiyaaseen in dhaqaalaha Israa’iil uu u adkeysan karo dagaal gaaban, colaad dheer, sida hal bil, waxaa laga yaabaa in uu dalka ku baxo 12 bilyan oo doolar.
Dalka Iran, marka loo eego waxyeelada ugu badan ee soo gaartay dhulka Iran, oo ey ku jiraan militariga iyo goobaha Nukliyeerka, waxa hubaal ah in kharashka ku baxayaa uu yahay mid aad u badan, oo gaaray malaayiin dollar, taasoo ka badan waxyeelada Israel, oo lagu qiyaasay iney ku kacayso $400 milyan ilaa hadda. Ciidamada Iran ayaa sidoo kale ilaa hadda riday 450 gantaal oo nooca ballistic-ga ah iyo 200 oo diyaaradood oo kuwa aan duuliyaha lahayn ah, sida ey sheegtay Israel.
$ 1-MILYAN HALKII GENTAALBA:
Gantaalka ballistic-ga ah oo masaafo u dhexeeya (1,500 ilaa 2,000) kilomitir, sida ey qiyaasaha qaar sheegayaan, waxa uu ku kacayaa ugu yaraan 1 milyan oo dollar, gaar ahaan gantaallada casriga ah sida Cimad, Khaybar, iyo Fatex-1, kuwaasoo Iran ey ku andacoonayso in uu yahay mid aad u sareeya. Laakiin kharashka ugu badan ee Tehraan ayaa ku yimid khasaaraha bini'aadamka, iyadoo in ka badan 600 oo qof lagu dilay ilaa 2,800 oo kalena lagu dhaawacay. Wasaaradda caafimaadka ee Iran ayaa ku dhawaaqday Jimcihii in ugu yaraan 2,800 oo muwaadiniin ah ey ku dhaawacmeen weerarada Isra’iil, iyadoo xustay in 2,000 oo qof laga saaray isbitaallada ka dib markii la daweeyay. Dadka la dilay waxaa ka mid ah taliyayaal sar-sare oo ey ka mid yihiin Madaxii Shaqaalaha Maxamed Xuseen Baakheri, Taliyihii Ilaalada Kacaanka Xuseen Salami, iyo Cli Shadmani oo ahaa taliyihii xarunta Khatam AL-Anbiya oo la dilay maalmo uun ka dib magacaabistiisa, isaga iyo tobanaan kale. Dhanka kale, ilo ka tirsan Isra’iil ayaa xaqiijiyay Khamiista in dalkiisa uu dilay ku dhawaad 30 taliyeyaal sare oo militariga Iran ah. Waxaa kaloo ey Isra’iil dishay in ka badan 10-Saynisyahano 00 Nukliyeerka ah.
ISHA-AL-CARABIYA.