KULANKA BERRI EE BAARLAMAANKA JFS MAXAA LAGA FILAN KARAA?

(SAWIRKA)-BARLAMANKA JFS.

(MUQDISHO)-Sida ey ogaatay Warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA ee magaaladda Muqdisho, berri oo ah maalin Arbaca ah kuna beegan afarta bisha seddexaad ee sannadka-2026-ka, waxaa lagu wadaa iney kulan wadajir ah ey yeeshaan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qoraal wargelin ah ey aragtay Warbaahinta Suuq-bacaad Media kana soo baxay Gudoonka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qornaa sidan: Ku socoto Xildhibaanadda Sharafta leh, Berri oo Arbaca ah kuna beegan 4/3/26-ka, waxaa jira kulan labada aqal ee baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Ajandaha: Dib u eegista Dastuurka, Marxaladda Seddexaad. (1)-Ansixinta Cutubyadda 4-aad ilaa Cutubka 13-aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Goobta kulanka waa: Villa Hargeysa, Waqtiga waa: 9:00-ka Subaxnimo. Kulanka berri dhacaayo midkii ka horeeyey ayaa la qabtay 26/2/26-ka, waxaane kulankaasi looga dooday Cutubyada kala ah 12-aad iyo 13-aad, waxaane isla maalintaas la soo afjaray ka doodista Cutubka 13-aad ee Dastuurka. Hadaba, kulanka berri ayaa noqonaayo midkii 24-aad ey yeeshaan labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya halka kalfadhigu yahay midii 7-aad. Warbaahinta Suuq-bacaad Media oo heshay xog ku saabsan Dastuurka cusub ka dib markii midkii ku meel gaarka ahaa wax laga bedelay, qodobada wax ka bedelka lagu sameeyey ayaa waxaa ka mid ah cidda Dooraneyso Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaane Madaxweynaha Dooran doono Baarlamaanka, halka Xildhibaanadda Baarlamaanka ey soo dooran doonaan Shacabka Soomaaliyeed. Reysal Wasaaraha JFS waxaa soo magacaabi doono Madaxweynaha sidii ey ahaan jirtayba, laakinse waxaa xilka ka qaadi karo Baarlamaanka oo kaliyah. Xilka Madaxweynaha JFS qofku waxa uu qaban karaa laba jeer, in kastoo halkaan aan lagu cadeyn ma mid isku xigtaa mase waa laba jeer oo kala gooni sida Xasan Sheekh Maxamuud oo kale. Da’ada qofka qabanaayo xilka Madaxweynaha waa inuusan ka yaraanin 40-sano jir, lama sheegin da’ada ugu weyn. Shuruudaha looga baahan yahay qofka doonaayo inuu dalka Madaxweyne ka noqdo waa inuu Soomaali iska dhal ah yahay, taaso macnaheedu yahay qof Hooyadiis Ajanabi tahay dalka Madaxweyne kama noqon karyo. Madaxweynaha, Reysal Wasaaraha iyo labada Gudoomiye ee labada Aqal ee Baarlamaanka JFS waxaa ka mamnuuc ah iney qaataan/yeeshaan JINSIYAD LABAAD, haddii ey heystaane waa ey iska celiyaan Jinsiyadda labaad, marka la doorto amaba marka la magacaabo. Madaxweyne , Reysal Wasaare, Gudoomiye Baarlamaan iyo Gudoomiye Maxkamada sare waxaa noqon kara qof xaaskiisu yahay Ajnabi. Maqaamka Caasimadda Muqdisho wuxuu noqonayaa Gobol Caasimad ah, dadka Caasimadda degan ayaa dooranaayo Golaha degaanka kaaso isagana dooranaayo Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Golaha Caasimadda oo iyaguna dooranaayo Duqa Caasimadda. Dawladda Federaalka ayaa Muqdisho u soo magacaabeysa maamul sare oo maamulaayo Amniga iyo Siyaasadda Muqdisho halka Duqa caasimadda uu masuul ka noqonaayo heer Maamul. Haddii Xildhibaanku uu noqdo Wasiir waxa uu luminayaa kursiga Xildhibaanimo, qofka bedelaayo waxaa la waafajinayaa xeerka Doorashada. Muddo xileedka rasmiga ah ee DFS waa shan sano, halka da’ada Qaangaarnimada Diiniga ah tahay 15-sano,da’ada Qaangaarnimada Masuuliyada ama xilkasnimo tahay 18-sano. Madaxweynaha, Reysal Wasaaraha iyo labada Gudoomiye Baarlamaan waa iney hantidooda ma guurtada iyo Guurtada ah u gudbiyaan Hanti dhawraha Qaranka guusha doorashada ama magacaabid ka dib. Da’ada lagu noqon karo Xildhibaan waa 25-sano, da’ada ugu yar ee Wasiir lagu noqon karo waa 30-sano. Dastuurkaan cusub haddii berri oo Arbaca ah ey Xildhibaanadu Ansixiyaan, waxa uu sharci dhaqangala noqonayaa marka uu saxiixo Madaweynaha JFS, halka qodobada heer maamul ey dhaqan gelayaan min afar bilood ilaa lix bilood.

ISHA-SBM-MEDIA.

Previous
Previous

SICIID C/LAAHI DENI SEEDIGIIS OO MUQDISHO XABSIGA LOO TAXAABAY.

Next
Next

EDNA OO KA HADASHAY DOORKEEDA AQOONSIGA ISRA’IIL EE SOMALIALND.