SICIID C/LAAHI DENI SEEDIGIIS OO MUQDISHO XABSIGA LOO TAXAABAY.

(SAWIRKA)-AXMED CABDI MAXAMUD HURRE.

(MUQDISHO)-BREAKING NEWS:-Wararka ka imaanaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaca ka qaaday in ay xabsiga dhigeen la-taliye sare oo ka tirsan madaxtooyada maamul-goboleedka Puntland, iyagoo ku eedeeyay falal carqaladeynaya amniga. Tallaabadan ayaa dhalisay caro xooggan iyo cambaareyn durba kasoo yeertay maamulka Puntland, kuwaas oo falkan ku tilmaamay "afduub" sharci-darro ah oo dhacay xilli habeen ah. Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka booliska ayaa lagu caddeeyay in ay gacanta ku dhigeen Axmed Cabdi Maxamuud Hurre, oo ah la-taliyaha Madaxweynaha Puntland ee dhanka arrimaha bulshada. Booliska ayaa ku dooday in sarkaalkan uu ku guda jiray "falal liddi ku ah amniga," isla markaana uu haatan kiiskiisu ku socdo baaritaan. “Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo gudanaya waajibaadkiisa qaran ayaa caawa soo qabtay eedaysane Axmed Cabdi Maxamuud Hurre oo ku howlanaa falal amniga lid ku ah, waxaana ku socota Baaris,” ayaa lagu yiri qoraal uu taliska booliska soo dhigay barta facebook oo uu la socday sawirka Hurre. Dhanka kale, dowladda Puntland ayaa si adag u beenisay sheegashada booliska, iyadoo ku eedeysay Hay'adaha Amniga ee Dowladda Federaalka inay weerar gaadmo ah oo aan marmarsiiyo lahayn ku qaadeen Hoteelka Airport ee magaalada Muqdisho, abaaro 3:00 habeenimo ee saqdii dhexe ee Arbacada. Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada Federaalku ay gacan-qaad iyo jirdil u geysteen xildhibaanno ka kala tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya oo deganaa hoteelkaas, ka dibna ay si xoog ah ku kaxeysteen Mudane Hurre. “Falkan waa mid ugub ku ah Dowladdnimada, iyadoo aan sifo sharci ah loo soo marin oo uusan jirin wax danbi ah oo ay geysteen waxaa Hotel Airport loogu daatay Xildhibaannada iyo Senatarada Puntland, waxaa halkaasi ka dhacay jirdil iyo Afduub,” ayuu maamulka Puntland ku yiri bayaan uu soo saaray. Bayaanka kasoo baxay Puntland ayaa loogu hanjabay dowladda dhexe, iyadoo lagu yiri ““Waxkasta oo ka dhasha falkaasi foosha xun waxaa masuuliyadeeda qaadaysa Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.”Ninka la kexeystay ee la yiraahdo Hurre ayaa ah sida la sheegay Mw.Deni Seedigiis, waxaane warar aan la xaqiijin ey sheegayaan inuu ninkaan weday lacag ka timid dalka Imaaraatka Carabta looguna talagalay in is hortaag lagu sameeyo Ansixinta Dastuurka JFS cutubyadiisa dib u eegista lagu sameeyey taaso loo balansan yahay maalinta berri ah oo Arbaca ah. Imaraatku waa uu yaqaan hawlahaan oo hadda ka hor waxaa garoonka Aden Cadde lagu qabtay fara ey ugu talagaleen iney carqaladeeyaan Doorashada dalka ka dheceysay sannadkii 2022-kii. LA SOCO WIXII SOO KORDHO.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

BARLAMANKA SOOMAALIYA OO ANSIXIYEY DASTUURKA CUSUB.

Next
Next

KULANKA BERRI EE BAARLAMAANKA JFS MAXAA LAGA FILAN KARAA?