JARMALKA OO XABSIGA DHIGAY NIN XAGJIR MIDIGTA FOG AH.

(SAWIRKA)-BOOLISKA .

(BERLIN/GERMANY)-Wararka laga helaayo magaaladda Berliin ee dalka Jarmalka ayaa sheegaayo in mid ka mid ah xagjiriinta Midig-Fog ee Jarmal ah oo la xiray bishii hore ayaa qorsheynayay inuu dilo inta ugu badan dadka Muhaajiriinta ah, isaga oo soo xiganaya gacan ku dhiiglaha Norway Anders Breivik oo uu dhiirigeliyay, sidaas warbaahinta ayaa sheegtay Talaadada maanta ah. Dan E., oo ah hogaamiyihii hore ee Gobolka ee Xisbiga Midigta Fog "Die Rechte," ayaa lagu xiray Xabsiga Berlin dabayaaqadii Sebtembar ka dib markii uu shaaca ka qaaday qorshihiisa, saraakiisha Jarmalka ayaa u sheegay wargeyska Tagesspiegel. Eedaysanaha oo 31 jir ah ayaa u sheegay dadkii ka ag dhawaa in uu qorsheeyay inuu laayo tiro badan oo dadka Muhaajiriinta ah, ka dibna uu ku dhinto iska horimaad dhexmaray isaga iyo booliiska xaalad loo yaqaan "is-dil uu booliisku geystay," ayay baarayaashu sheegeen. Wuxuu si gaar ah u soo qaatay Anders Breivik oo ahaa Argagixisa Garabka Midig ee Norway ku dilay 77 qof sanadkii 2011. Afhayeen u hadlay xafiiska dacwad oogaha ayaa warbaahinta gobolka BR u xaqiijiyay xarigga, isagoo intaa ku daray in tuhmanaha uu ku jiray isbitaalka dhimirka tan iyo dabayaaqadii bishii hore. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay baarayaan Dan E. oo looga shakisan yahay inuu khalkhal gelinayo nabadda dadweynaha iyadoo loo marayo hanjabaado falal dambiyeedyo, caga-jugleyn iyo ku xad-gudubyo hub ah. Qiimaynta dhimirka ayaa wali la sugayaa, ayey yiraahdeen masuuliyiinta. Tuhmanaha u dhashay Bavaria waxa uu ku noolaa Berlin dhowr sano waxana uu xiriir la lahaa kooxda Garabka Midig ee Xagjirka ah "Deutsche Jugend Voran" (German Youth Forward), baarayaashu waxay yiraahdeen. Hay'adaha ammaanku waxay ka digayeen sannadihii la soo dhaafay kooxaha dhalinyarada ah ee Xagjirka ah ee ku dara fikradaha xagjirnimada iyo rabitaanka inay u adeegsadaan rabshadaha ka dhanka ah cadowga loo arko. Tirakoobyada rasmiga ah ayaa muujinaya in Neo-Nazis iyo xagjiriinta midigta fog ay 42,788 dambi ka geysteen Jarmalka sannadkii hore tiradii ugu badnayd muddo toban sano ah. Waxay ku kaceen 1,488 weerar oo rabshado wata oo ka dhan ah Muhaajiriinta, Qaxootiga, ama Siyaasiyiinta kasoo horjeeda, taasoo muujinaysa koror 17% ah sanadkii hore. Weeraradaasi waxa ku dhaawacmay ugu yaraan 1,068 qof.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

MASUULIYIIN LOO DIIDAY INEY U SAFRAAN BAYDHABO,SABABTA?

Next
Next

MAGAALADDA MINNEAPOLIS EY DIB UGA BILAWDEEN JEBINTA BAABUURTA.