MAGAALADDA MINNEAPOLIS EY DIB UGA BILAWDEEN JEBINTA BAABUURTA.

(SAWIRKA)-BAABUURTA LA JABSADAY MINNEAPOLIS/MINNESOTA.

(MINNESOTA/USA)-Wararka laga helaayo Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegaayo in caawa saacadu markay tahay 10:00-ka fiidnimo uu joogsan doono barnaamijka kaalmadda ah ee Qoysasaku caruurta yar-yar cuntadda ugu gataan ee dhamaan degmooyinka Gobolka Minnesota laga qaato. Dowladda Federaalka Mareykanka ee xiran, shaqo joogsiguna ka hirgalay ayaa sabab u ah in barnaamijka kaalmadda qoysaska ee marka magac ahaan la soo gaabiyo loo yaqaano SNAP ama Kaarka EBT-ga uu xirmaayo marka laga bilaabo caawa. Lacagtii ku soo dhici jirtay kaarka EBT-ga ayaa joogsaneysa caawa, waxayna soconaysaa inta ka hartay bishan October, iyo inta Xafiisyadda Dowladda Federaalka Mareykanka dib loo furayo. Caruur boqolaal kun ah iyo Qoysaskooda ayuu go’aankani saameyn doonaa kuwaaso ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka. Degmadda Hennepin oo keli ah ayaa 9,700 caruur ah oo da'doodu ka yar tahay 5 sano oo ku nool Hennepin ayna heli doonin wax gargaar cunto ah oo cusub. Caruurta iyo qoysaska kale ee degan degmooyinka kale ee Gobolka Minnesota ee qaata kaalmadda SNAP-ka (FOOD STAMP) ayaa iyaguna la mid ah. Shaqaalaha Degmooyinka kala duwan ee Gobolka Minnesota ayaa shalay ka helay ogeysiis Waaxda Caruurta ee Dhallinyarada iyo Qoysaska Gobolka Minnesota, Waaxdan oo fulinaysa amar ka soo baxay Dowladda Federaalka ee dalka Mareykanka ayaa fartay dhammaan degmooyinka in oggolaanshaha SNAP-ka (FOOD STAMP) la joojiyo oo aan la bixin kuwa cusub inta xal kama dambeysa ah laga gaaraayo Dawladda Federaalka xirnaanshaheeda. Warar ayaa sheegaayo in G/Minnesota uu joojiyey inuu qabto codsiyadda cusub ee la xiriira Food Stamp-ga waqti aanan la cayimin,balse Gobolka ayaa sheegay iney taaban doonto Xirnaashaha Dawladda Federaalka Xafiisyadeeda barnaamijka Cuntada EBT-ga. Waaxda Beeraha dalka Maraykanka ayaa ku wargelisay Goboladda dalka Maraykaka ineysan jirin lacag ku filan oo ey ku bixiso SNAP (FOOD STAMP) bisha soo socoto ee Nofembar-2025-ka ilaa Koongareesku uusan soo saarin biilka kharashka dhammadka bishan Oktoobar. Tirada guud ee dadka ah ee ku tiirsan SNAP (Food Stamp) marka laga hadlaayo Gobolka Minnesota ayaa gaareyso ilaa 440-kun oo qofood, kuwaaso intooda badan ey yihiin Caruur, Waayeel iyo dad Naafa ah. Dhinaca kale, Booliska magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa sheegay iney soo laabteen Tuugadii iyo kooxihii sida ula kaca ah u jabsan jiray baabuurta taalo Parking-ka. Muddo shan cisho gudaheed ah, marka laga soo bilaabo 9-kii bishaan Oktoobar,waxaa la jabsaday oo wixii ku jiray lagala baxay,khasaarene loo geystay in ka badan ilaa 100-baabuur, arrintaan ayaa ka shacday Xaafaddo kala duwan kana wada tirsan magaaladda Minneapolis ee G/Minnesota ee dalka Maraykanka. Marka laga soo bilaabo seddex maalin ka hor 13-kii bishaan Oktoobar, waxaa la jabsaday ugu yaraan baabuur gaareyso ilaa 100-baabuur,lana wada xaday wixii agab ahaa ee dhex yiilay, lana jejebiyey Miraayadihii baabuurtaas.

XIGASHO-TUSMO TIME+SB-MEDIA.


Next
Next

NIN QAXOOTI REER AFGANISTAAN AH OO LA SOO TAGAY MAXKAMAD JARMALKA KU TAALO.