MASUULIYIIN LOO DIIDAY INEY U SAFRAAN BAYDHABO,SABABTA?
(SAWIRKA)-MASULIYINTA LOO DIIDAY INEY U SAFRAAN BAYDHABO.
(BAYDHABO)-Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo wafdi Xildhibaano ah oo uu hoggaaminayay ayaa maanta laga hor istaagay iney u safraan magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay ahne caasimadda ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Arintaan ayaa salka ku hayso Khilaaf Siyaasadeed oo u dhaxeeya Siyaasiyiintan kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha maamulka KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen. Wafdiga ee uu Hoggaaminayay Guddoomiyahii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa waxaa ka mid ahaa Xildhibaano kale oo kasoo jeeda isla deegaanka KGS oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Maxamed Abuukar Cabdi, Xildhibaan Maxamed Cabdi Maxamed, Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed, Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed iyo Xildhibaan Xaawo Sokor Cali. Xildhibaan Maxamed Cabdi Frank oo ka mid ahaa wafdiga masuuliyiinta laga celiyay iney u safraan Baydhabo ayaa sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu amar ku bixiyey in diyaaraddii ay saarnaayeen aysan soo qaadin xubnaha wafdigooda. “Laftagareen ayaa diyaaradii aan raaci lahayn ku yiri dadkaas ma soo qaadi kartaan, amar ayuu siiyay diyaaradaha ka shaqeeya Baydhabo sidaas ayaa safarkeena loo hor istaagay” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cabdi Frank. Xildhibaanadan maanta laga celiyay iney u safraan magaalada Baydhabo ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda shir Jaraa’id u qabtaan Warbaahinta Muqdisho, islamarkaana ay ka hadlaan sababaha keentay in diido iney tagaan magaalada Baydhabo,si ey halkasi uga bilaabaan ololahooda Doorashada.
XIGASHO-HOL.