INGIRIISKA OO CUNAQABATEYN CUSUB SAARAY FALAAGADDA SUUDAAN.

(SAWIRKA)-SUUDAAN.

(LONDON/UK)-Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa sharraxay in Boqortooyadda ey cunaqabatayn saartay Taliyaha Ciidanka Difaaca Suudaan, Abu Caqla Kikil, iyo hoggaamiyeyaasha Ciidanka Taageerada Deg degga ah Xuseen Barsham iyo Mustafa Ibrahim Cabdel-Nabi. Dhanka kale, Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan ayaa maanta ku dhawaaqday dilka 22 qof, oo ay ku jiraan 4 shaqaale caafimaad, iyo dhaawaca 8 kale oo ka dhashay qaraxii Ciidanka Taageerada Deg degga ah ee Isbitaalka AL-Kuweyk ee Koonfurta Kordofan State, iyagoo sharraxay in dadka dhintay ay ka mid ahaayeen Agaasimaha caafimaadka ee Isbitaalka Milatariga ee AL-Kuweyk iyo 3 shaqaale caafimaad, iyo dhaawaca 8 kale. Shabakadu waxay cambaareysay bartilmaameedsiga xarumaha caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka, iyagoo ku tilmaamay waxa dhacay "dambi dagaal iyo ku xadgudub cad oo ka dhan ah sharciyada iyo heshiisyada caalamiga ah ee bani'aadamnimada" kuwaas oo dammaanad qaadaya ilaalinta dadka rayidka ah iyo xarumaha caafimaadka. Shabakadu waxay xaqiijisay in weerarkani uusan ahayn kii ugu horreeyay, laakiin uu yahay qayb ka mid ah weerarro taxane ah oo ka dhacay Gobolka Koonfurta Kordofan isla markaana tiro isbitaallo ah ka saaray adeeggii, taasoo sii xumeyn doonta dhibaatada bani'aadamnimada isla markaana khatar gelin doonta waxa ka haray adeegyada caafimaad ee la siiyo dadka rayidka ah. Shabakadda Dhakhaatiirta Suudaan waxay si buuxda u cambaareysay weerarkan, iyagoo ugu baaqay beesha caalamka, Qaramada Midoobay iyo ururada xuquuqda aadanaha inay qaadaan tallaabo degdeg ah si loo joojiyo weerarada soo noqnoqday ee lagu qaadaayo xaumaha caafimaadka.

XIGASHO-OKAZ.

Previous
Previous

HAYADDA NISA OO KU GUULEYSATAY INEY KHAARIJISO HORJOOGE AXMED..

Next
Next

SENITAR GABOOSE OO U SAFRAY NAIROBI CAAFIMAAD DARTIIS.