HAYADDA NISA OO KU GUULEYSATAY INEY KHAARIJISO HORJOOGE AXMED..

(SAWIRKA)-ASTAAN NISA.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidanka Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ey ku guuleesteen iney shacabka Soomaaliyee shartiisa dhaafiyaan dhagar qabe Horjooge Axmed Dhubad Xidig kaaso magaciisa afgarashada uu yahay Sheekh Aden Dheere, ninkaan ayaa kooxda Khawaarijta ALshabaab u qaabilsanaay dhinaca Maaliyadda ee Gobolka Banaadir, waxa uuna dhintay ka dib markii hawgal si gaar ah loo qorsheeyey kana dhacay degaanka Daniga Baaloow ee Gobolka Shabeeladda Hoose taariikhdu markeey ahayd 27/1/2026-ka. Ciiadamadda sida gaarka ah u tababaran ee ee Gaashaan ayaa dul tegay guri uu ku dhumaanaayey Dhagar Qabe Dhubad, waane la toogtay ka dib markii uu isk dayey inuu dagaal kala horyimaado ciidanka intii uu socday hawlgalka qorsheysan. Horjoogahan ayaa kooxda Khawaarijta ee ALshabaab ku biiray sannadkii 2008-dii, waxa uuna muddo aad u dheer ku hawlanaay Baada iyo Boobka hantida daweynaha, waxa uuna hawshaan boobka hantida shacabka ka soo qabtay Goboladda Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelada Hoose. Ciidanka NISA oo muddo dheer ku raad joogay dhagar qabe Axmed Dhubad Xidig ayaa ugu dambeyntii ku guuleystay iney soo afjaraan noloshiisa.

XIGASHO-SNTV.

Previous
Previous

MALAASHIYAADKA ALSHABAAB OO LAGU LAAYEY G/JUBADA DHEXE.

Next
Next

INGIRIISKA OO CUNAQABATEYN CUSUB SAARAY FALAAGADDA SUUDAAN.