MALAASHIYAADKA ALSHABAAB OO LAGU LAAYEY G/JUBADA DHEXE.

(SAWIRKA)-ALSHABAAB.

(BU’AALE/JL)-BREAKING NEWS: War hadda inaga soo gaaray Gobolka Jubada Dhexe ee Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in maanta saacadu markeey ahayd 5-tii Galabnimo uu halkaasi ka bilawdeen weeraro si aad ah loo soo qorsheeyey kuwaaso lala beeggsaday Xarumo ey iska leeyihiin kooxda Khawaarijta ALshabaab. Wararka horadhaca ah ey heshay Warbaahinta SUUQBACAAD MEDIA ayaa sheegaayo in weerarada lala beegsaday Xarumo kala gedisan ey kooxda Khawaarijta ALshabaaba iska leheed, weeraradaan qorsheysan ayaa socday muddo ku dhaw ilaa shan saacadood waxa eyna ka kala dheceen degaano kala gedisan. Sida hadda ina soo gaartay welise aan la xaqiijin waxa ey dhimashada gaareysaa ilaa kun qofood oo isugu jira Horjoogayaal, Maleeshiyaad iyo Ajaanib kooxda ka taakuleyneysa dhinaca Tababaradda, Xarumaha weerarada lala beegsaday ayaa ka kooban ilaa shan Xarumood waxa eyna kala yihiin: (1)-Xarunta Tababarka Maleeshiyaadka Kooxda Khawaarijta ALshabaab oo degmada Salagle u jirto ilaa 26-Kiiloomitir, halkaan kooxda waxaa uga dhintay Maleeshiyaad aad u fara badan oo loo diyaarinaayey dagaal iney galaan. (2)-Xarunta Abaabulka Weerarada kooxda Khawaarijta Alshabaab, Xeradaan ayaa waxaa ku sugnaay ku dhawaad lix boqol Maleeshiyo kuwaaso loo diyaarinaayey sidii ey weerar Arbushaad ah uga geysan lahaayeen degaanadda Jubaland, waxaane kooxda Khawaarijta ALshabaab kaga dhintay intii badneed ee Maleeshiyaadkan, Xaruntaan ayaa la sheegay iney ku tiilay meel si aad ah ugu dhaw magaaladda Bu’aale ee Gobolka Jubada dhexe. (3)-Xarunta Keydka Hubka ee Kooxda Khawaarijta ALshabaab, Xaruntaan ayaa ku taalo baadiyaha degmada Jilib, waxaane lala simay dhulka oo wax hub keyd ah oo dambe halkaasi looguma tegi doono, sidoo kale waxa goobta ku dhintay saraakiil fara badan una badnaay Ajaanib bixisa Tababarada kuwaaso aan la soo sheegin magacyadooda iyo wadamada ey u dhasheen. (4)-Xarunta Isgaarsiinta kooxda Khawaarijta ALshabaab, Xaruntaan ayaa la sheegay iney ku taalo degmada Saakaw ee gobolka Jubada dhexe ee DG Jubaland, khasaaraha soo gaaray xaruntaan ayaan weli war sugan laga heyn balse maamlmaha soo socdo ayaa la sugaa war faafhfaahsan. (5)-Xarunta ey degan yihiin Ajaanibta, Xaruntaan ayaa ku taalo degaanka Kuunyo Barraw ee Gobolka Shabeelada Hoose, waxaane la duqeeyey casar liiqii maanta waqti ey hogaamiyeyaasha Ajaanibta ah ey ku kulansanaayeen goob iyaga u gaar ah kagana tashanaayeen sidii kooxda Khawaarijta Alshabaab loogu diyaarin lahaa Maleeshiyaad u dagaalama gaar ahaan qorshaha weerar la damacsanaa in lag ekeeyo magaaladda Kismaayo oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee dawlad Goboleedka Jubaland, weerarkan ayaa waxaa lagu khaarijiyey ilaa lixdan(60) Ajaanib ah kuwaaso aan weli la soo sheegin wadamada ey u kala dhasheen iyo hawsha ey kooxda Khawaarijta u haayeen. Dhammaan hawgladda dhacay Galabta ilaa caawa ayaa waxa qeyb ka ahaa saaxibadda caalamka kuwaaso qeyb libaax ka qaatay duqeymaha lala beegsaday kooxda Khawaarijta ALshabaab ee maanta ilaa caawa la gumaaday, haddii hawlahaan ey sidaan kusii socdaan waxaa hubanti la’aan ah in kooxda ALshabaab la waayi halka ey ku dambeeyaan. LA SOCO WIXI SOO KORDHA.

SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

MARAYKANKA OO SOO XIRAY NINKII KA DAMBEYEY WEERARKII BENGHAZI

Next
Next

HAYADDA NISA OO KU GUULEYSATAY INEY KHAARIJISO HORJOOGE AXMED..