SENITAR GABOOSE OO U SAFRAY NAIROBI CAAFIMAAD DARTIIS.
(SAWIRKA)-GABOOSE.
(KISMAYO/JL)-Wararka laga helaayo magaaladda Kismaayo oo ah caasimadda ku meel gaarka ah ee DG Jubalanda ayaa sheegaayo in Senator Ilyaas oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo waxa uuna sheegay in ay heshiis hor dhac ah ey wada gaareen gaareen isaga iyo Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, islamarkaana ay is-afgarad ka gaareen qadiyadii ay isku hayeen. Wuxuu sheegay in uu hadda safar caafimaad ugu baxayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya, muddo gaaban ka dibna la dhameystiri doono wada-hadallada iyo heshiiska lagu soo afjaro khilaafkii u dhexeeyay isaga iyo Axmed Madoobe. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in wakhtigan ay shacabka reer Jubaland si gaar ah ugu baahan yihiin midnimo iyo wadajir, isaga oo xusay in horumarka iyo xasilloonida lagu gaari karo oo keliya isu-tanaasul iyo iskaashi dhab ah. Sidoo kale, wuxuu tilmaamay in guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ay lagama maarmaan tahay in ay isku tanaasulaan, una midoobaan gurmadka abaaraha iyo qadiyadaha waaweyn ee horyaalla dalka. Madaxweynaha Jubaland ayaa maalmo ka hor hadal qoraal ah oo uu soo saaray ku yiri “senator Ilyaas Badal Gaboose waxaan isla garannay in danta guud, nabadda, iyo midnimada shacabka Jubaland ay ka sarreeyaan wax kasta oo kale, isla markaana aan si wadajir ah uga shaqeyn doono danta dadka ree Jubaland”. Senator Ilyaas Badal Gaboose wuxuu Nofeembar 2024 sheegtay in loo doortay Madaxweynaha Jubaland, xilligaas wixii ka dambeeyay wuxuu xabsi guri ku ahaa magaalada Kismaayo isaga oo aan la keenin wax ka Maxkamad ah,xuriyad ka qaadista Senitarka waxa aan ka hadlin dhammaan asaxaabtiisa kala tirsan Baarlamaanka JFS eyna iskala soo jeedaan degaanadda Jubaland. Mw-Axmed Madoobe ayaa iskiis isugu caana shubay waxa uuna diiday in lala tartamo si hogaanka Jubaland uu u noqdo mid sharci ku dhisan balse taas bedelkeedka Madoobe ayaa xabsiga dhigay dhammaan dadkii isaga ka soo horjeeday intii baxsatay ma ahee intii kale uu ka mid yahay Senitar Gaboose.
XIGASHO-WAKAALADDO.