HOGAANKA SARE EE PUNTLAND OO GAAS KU SHUBAY XIRIIRKA SOOMALILAND IYO PUNTLAND,SABAB?
(SAWIRKA)-MW-KU-XIGEENKA PUNTLAND. LUGATOOR.
(GARAWE)-Madaxweyne Ku Xigeenka Dawlad Goboleedka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si geesinimo leh ugu dhawaaqay “Puntland waa maamulkii ka xoreeyay magaalada Laascaanood 06-February-2025 gacanta Somaliland”. Lugatoor oo si fagaare ah arrintan uga hadlay ayaa faah faahin ka bixiyay ciidamada Puntland iyo kuwa bini’aadantinimo ee howlgalkaasi ka qeyb qaatay, isagoo sheegay in 97 baabuur oo kuwa dagaalka ah ay qeyb ka yihiin ololahan, isla markaana uu isagu si gaar ah u fasaxay in la geeyo isagoon xitaa la tashan odayaasha beelaha.
“97 baabuur oo kuwa gaashaaman ah ayaan dhigay, waxaanan dhigay Laascaanood, xataa Ugaaska lama tashan, waxa uu ahaa go’aan mas’uuliyadeed, ee maaha siyaasad,” ayuu yidhi Lugatoor.
Wuxuu sidoo kale sheegay in Puntland ay ku bixisay daawaynta ku dhawaad 2,000 oo qof oo ku dhaawacmay dagaaladii xooganaa ee ka dhacay Laascaanood. Dadkan rayidka ah ee dhaawacmay ayaa la sheegay in lagu daweynayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.
"Waxaan saxiixay siideynta lacagaha loogu talagalay dhammaan daryeelkooda caafimaad. Kuwani waa dadkeena," ayuu ku nuuxnuuxsaday.
Lugatoor oo isku sheega in uu yahay hogaamiyaha labaad ee ugu sareeya 5-ta milyan ee shacabka Puntland ayaa si cad u sheegay in uu isku haysto in uu si toos ah u matalo deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn (SSC). Wuxuu ballan qaaday in si deg deg ah looga jawaabi doono dhammaan cabashooyinka iyo baahiyaha horumarineed ee ka soo baxaya gobolladaas.
“Bulsho kasta baahideeda ayaa wax laga qaban doonaa, hadda waxaa la bilaabay xarumo caafimaad , waxaana ku xiga dugsiyo cusub, sidoo kale waxaa socda qodista ceelasha biyaha,” ayuu yiri.
Lugatoor ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in xayiraadihii Mashaariicda ee horey loo saaray gobolada SSC hadda la qaaday, taasoo Puntland u sahlaysa in ay horay ugu socoto maalgashiga adeegyada bulshada ee Caafimaadka, Waxbarashada iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.
Puntland oo ku andacoonaysa in ay Somaliland ka xoraysay Laascaanood February 6, 2025.
97 baabuur oo kuwa dagaalka ah ayaa la soo dhoobay weerarka.
Madaxweyne ku xigeenka Lugatoor ayaa si shaqsi ah u maalgeliyay daawaynta 2,000 oo rayid ah oo dhaawac ah.
Puntland waxay hadda diiradda saaraysaa adeegyada aasaasiga ah ee gobollada SSC : caafimaadka, waxbarashada, iyo helitaanka biyaha.
Lugatoor ayaa ku dhawaaqay inuu yahay codka iyo wakiilka SSC ee gudaha hogaanka Puntland.
Hadalkan ayaa sii hurin kara xiisadda Siyaasadeed ee Gobolka, gaar ahaan maamuladda Puntland, Somaliland iyo dhaqdhaqaaqa cusub ee SSC-Khaatumo. Laakin Lugatoor, fariintu waa u caddahay: "Waan is muujinay, waanu xoreynay, haddana dib ayaan u dhiseynaa."Dhinaca kale,Qaadka soo gala degaanadda Puntland ayaa saaray lacago khidmad ah oo cusub,taaso hadda aan wax xog ah oo sugan aan laga heyn hadane Ganacsatada Qaadka oo la xiriirtay Warbaahinta Maxaliga ah ayaa sheegtay in dhawr bilood ey socoto qaadista lacagtaan cusub.Lacagtaan cusub ee la saaray Qaadka taga Puntkand ayaa lagu sheegay iney dhan tahay il Rucac Doolar(0.25)-Cents halkii Kiilo, waxaane Ganacsatada Qaadka keenta Puntland lagu qanciyey iney tahay lacagta Difaac Dalka,balse lama yaqaan cida qaadeyso iyo maamulkeed cidda iska leh. Halkii jawaan waxaa jirta ilaa sodon kiilo oo Qaad ah,waxaane bishii laga heli karaa ilaa 90-kun oo doolarka Maraykanka ah. Qaadka la keeno Puntland ayaa gaaro degaanadda Gaalkacyo,Garawe,Baran iyo Qardho.
ISHA-DALSAN.