YAA KA DAMBEEYEY DILKA DHAMME ABUKAR-SIDIIQ?

(SAWIRKA)-DHAMME ABUKAR-SIDIIQ.

(MUQDISHO)-Shalay ayey ahayd markii baraha bulshada uu ka soo muuqday sawirka sarkaal ka tirsan Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA kaaso lagu dilay Waax ka mid ah waaxyaha degmada Hodon ee Gobolka Banaadir. Arrintaan Sarkaalkan lagu magacaabo Abukar Muxyadiin Axmed loona wada yaqaano Abuukar-Sidiiq ayaa looga hadlay siyaabo kala duwan balse xogta dhabta ah la iskuna raacsan yahay ayaa ah in Sarkaalkan la shirqoolay,dilkiisana ey wax weyn ka ogaayeen Saraakiil iyo askar ka wada tirsan hayadda NISA,waan laga yaabaa iney ku lug leeyihiin gacmo Siyaasadeed. Abuukar-Sidiiq ayaa ka mid ahaa koox ka socotay Hayadda NISA oo loo soo diray hawlgal qorsheysan oo laga fulinaayey Waax ka mid ah Degmada Hodon ee G/Banaadir, hawlgalka ayaa ku wajahnaay Horjooge ka tirsan kooxda ALshabaab kuna sugnaay Waaxda degmada Hodan, waxaane la rabay in Horjoogaha la soo qabto si loo horgeeyo cadaaladda,balse sida la soo sheegay Horjoogaha ayaa isku dayey inuu ka baxsado askarta NISA ee fulineysay hawlgalka, waxaane dhacday is rasaaseyn,waxaane sidaas ku dhaawacmay dabadeedna u dhintay dhaawicii soo gaaray Dhamme Abukar-Sidiiq,wararka qaarkood ayaa sheegaayo in ciidanka NISA ka socday ineysan wax iska caabin ah kala kulmin Horjoogaha ALshabaab kaaso u diyaarsanaay inuu isu dhiibo DFS,xabadda ku dhacda Dhamme Abuukar-Sidiiqne ey tahay mid ey soo rideen askarta NISA ee qeybta ka ahayd hawlgalka lagu soo qabanaayey Horjoogaha ALshabaab kaasoo markii xabadaha dheceen u cararay goob bar u ahayd Booliska iskana dhiibay halkaas.

KUMUU AHAA ABUUKAR-SIDIIQ?

Dhamme Abukar-Sidiiq waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan Hayadda NISA waxa uuna horay u soo qabtay xilka Taliyaha NISA ee degmada Garasbaaleey ee G/Banaadir iyo Madaxa qeybta Sirdoonka caasimadda Muqdisho,hadane waxa uu ahaa sarkaal ka tirsan Hogaanka Baarista ee Hayadda NISA,waxa uuna gacanta ku haayey Galka Baarista dacwad la xiriirta Qaraxii Ceel-Gaab ka dhacay kaaso lala beegsaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud taariikhdu markeey ahayd 18/3/2025-ka. Qaraxa ayaa ahaa Miino dhulka lagu sii aasay lagana hogaaminaayey meel fog,waxaane qaraxaasi ku geeriyooday dad rayid ah oo ey ku jiraan Wariyeyaal uu ka mid yahay AUN-Maxamed Abuukar Dabaashe,balse kolonyadii gelbineysay MW-Xasan waxba ma eysan soo gaarin oo waxaa burbur uu soo gaaray hal gaari oo ilaalada ah. Hayadda NISA ayaa la soo sheegay iney dusha u riday Masuuliyadda dilka Dhamme Abukar-Sidiiq,waxaane la soo sheegay in xabsiga loo taxaabay askartii fulisay dilka Dhamme Abukar-Sidiiq lana hor geyn doono Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida dhawaan,ka dib marka ey soo dhammaato baarista.

TAARIIKHD SHAQO IYO MIDA WAXBARASHO:

Sida la sheegay Abukar-Sidiiq,waxa uu ka baxay Jaamicadda Soomaaliya ee magaaladda Muqdisho, waxa uuna bartay Cilmiga Maamulka Guud. Abuukar-Sidiiq,waxa uu bare ka soo noqday dugsiyadda Magaaladda Muqdisho,waxa uuna Hayadda NISA ku biiray sannadkii 2018-kii. Sannadkii 2019-kii,Abuukar-Sidiiq waxa uu xubin ka noqday Ilaaladda Shacabka(Dharcadda). Sannadkii 2020-kii,Abuukar-Sidiiq waxaa loo wareejiyey Waaxda Sirdoonka Caasimadda Muqdisho. Sannadkii 2021-kii,Abukar-Sidiiq waxaa loo magacaabay inuu noqdo taliyaha NISA ee degmada Garasbaaleey ee G/Banaadir. Sannadkii 2022-kii,Abukar-Sidiiq waxa uu noqday taliyaha Qeybta Bari ee degmooyinka G/Banaadir. Hadda waxa ka mid ahaay Hogaanka Baarista iyo Dabagalka Hayadda NISA. Hadaba Tuhunka dilka Dhamme Abukar-Sidiiq yuu dul hoganayaa? Inta la ogyahay ineey arrintaan ku lug leeyihiin kana tirsan Hayadda NISA waxa ey gaarayaan ilaa Todobo qofood,kuwaaso qaarkood ey hray uga soo goosteen kooxda ALshabaab,waxa eyna kala yihiin:

(1)-Xasan C/laahi Foodeey,gudaha kooxda ALshabaab waxaa looga yaqiin Waliid,hadane waxa uu ka tirsan yahay Hogaanka Dabagalka ee Hayadda NISA.

(2)-Saalax C/nuur Cali,gudaha kooxda ALshabaab waxaa looga yaqiin Macallin Saalax,hadane waa Taliyaha Dharcadda ee Hayadda NISA.

(3)-Xasan Daahir,waxa uu horay uga tirsanaay kooxda ALshabaab,hadane wax uu ka tirsan yahay Waaxda Dabagalka ee Hayadda NISA.

(4)-C/qani Jiis,waxa uu ka tirsan Laanta Hawlgelinta Sirdoonka ee Hayadda NISA.

(5)-Galad,waa taliyaha NISA ee G/Banaadir.

(6)-Duceysane,kana tirsan Waaxda dabagalka ee Hayadda NISA.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA/MUQDISHO.

Previous
Previous

JARMALKA OO KU DHEGAN FIISAHA QOYS AFGAANISTAAN AH,SABABTA?

Next
Next

HOGAANKA SARE EE PUNTLAND OO GAAS KU SHUBAY XIRIIRKA SOOMALILAND IYO PUNTLAND,SABAB?