ASKERI U DILAY QOF MURUQMAAL AH MAXAAD II SOO FIIRISAY OO DIL LAGU XUKUMAY.
(SAWIRKA)-ASKERI KA TIRSAN CIIDAMADDA HARAMCAD.
(MUQDISHO)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan waxay ku beegsadeen guri ay ku shirayeen horjoogayaal ka tirsan Khawaarijta, kuwaas oo ku howlanaa diyaarinta qorsheyaal ay doonayeen in ay ku waxyeelleeyaan dadka deegaanka. Howlgalkaas waxaa lagu dilay siddeed xubnood oo isugu jiray horjoogeyaal iyo maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta la bartilmaameedsaday, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey. Dhinaca kale, Maxkamadda Darajada Koowaad ee CQS ayaa xukun ku riday Askeri u dilay Mawaadin Muquqmaal ah maxaad ii soo fiirisay darteed. Dable Booliska. Bakar Cabdicasiis Maxamed oo ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah Haramcad, ayaa lagu soo eedeeyay dil ula kac ah oo uu u geeystay Marxuum Cali Iskoow Daa'uud. Eedeeysanaha ayaana u dilay Marxuumka Kaliya Maxaad ii soo fiirisay Darteed, Xilli ey isaga horyimaadeen wado u dhow Masjidka Cali Boolaay ee degmadda Waabari ee Gobolka Banaadir, ka dibna ku baxsaday Mooto Fekon, Balse Isla maalintaasi oo ku begneyd Labaatan iyo Sideedii Bishii Juun ee sanadkaan ayey hayadaha Amaanka G/Banaadir ka soo qqbteen degmada C/casiis. Baaris Dheer ka dib Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada QS, ayaa Codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Todobo iyo labaatankii Bishii hore ee Luuliyo. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex- Dable Boolis. Bakar Cabdicasiis Maxamed Dil toogasho ahna Qisaastii Marxuum Cali Iskoow Daa'uud. Sida uu warbaahinta u sheegay G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida.
ISHA-SNTV.