SHIRKII AFRICAN CAUCUS OO LA SOO GABAGABEEYEY.

(SAWIRKA)-WASIIR XAANGE.

(BANGUI)-Waxaa Magaalada Bangui ee ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe lagu soo gabagabeeyay shirka sanadlaha ahaa ee Wasiirada Maaliyadda dalalka Afrika (𝐀𝐟𝐫𝐢𝐜𝐚𝐧 𝐂𝐚𝐮𝐜𝐮𝐬-𝟐𝟎𝟐𝟓) oo sanadkan looga dooday Horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha oo adkeysi u leh marxaladaha ka dhasha saameynta Isbedellada Cimilada iyo Colaadaha. Kulanka Wasiirada oo sidoo kale ey goobjoog ahaayeen Madax Sare oo ka socotay Hey’adaha Caalamiga ah sida IMF, Bangiga Adduunka iyo Bangiga Horumarinta Afrika, waxa ey dhammaantood wada yeesheen doodo miro-dhal ah oo maalmo qaatay, kuwaasoo xal looga gaarayay sidii dalalka soo koraya ee Afrika ey u heli lahaayeen maalgelin dhaqaale oo salka ku haysa Horumarinta Kaabayaasha wax soo saarka. Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange oo shirkan ku matalayay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marka laga tago fadhiyadii loo dhammaa, waxa uu sidoo kale kulamo gaar gaar ah la yeeshay xubnihii shirka ka soo qeyb galay oo isugu jiray Wasiiro, Safiiro iyo Agaasimayaal matalayay Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Maalgelinta iyo Mashaariicda Horumarineed ee dalalka qaar la siiyo.

ISHA-SNTV.


Previous
Previous

ASKERI U DILAY QOF MURUQMAAL AH MAXAAD II SOO FIIRISAY OO DIL LAGU XUKUMAY.

Next
Next

GUD.ADEN MADOOBE OO SOO GAARAY MAGAALADA BAYDHABO.