HESHIISKA KGS IYO SHIRKAD KUWEYTIYAAN AH.

(SAWIRKA)-FAHAD NAWAF AL-DAWSARI.

(KUWAIT)-Sida uu dhigaayo Heshiiska lagu soo gabagabeeyey dhismaha,Horumarinta,Maamulka iyo Hawlgelinta Dekedda iyo soo saaridda Khetraadka Dabiiciga ah badda ee degmadda Baraawe ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Mashruucaan ey baaxadiisu dhan tahay ilaa 100-kiilomitir oo isku wareeg ah isla markaasne ey iska kaashanayaan Shirkado waa weyn oo Caalami ah ayaa waxaa goobjoog ka noqon doono qaar ka mid ah Mashaariicda shaqo ee heshiiska lagu dari doono,Tusaale ahaan,balse aan koobneyn sida: (1)-Sameynta Aaga Saadka. (2)-Sameynta Suuqa Xorta ah. (3)-Dhoofinta Quudka Xoolaha. (4)-Kallumeysiga iyo Dhoofinta Kalluunka. (5)-Dhoofinta Nuucyada kala duwan ee Dalagyada Beeraha. (6)-Hirgelinta Kawaanadda iyo Dhoofinta Nuucyada kala duwan ee Hilibka. (7)-Dhisidda Huteelo iyo Goobo Dalxiis. In dawladda Kuwait sidaan ka sameeyso dalka Soomaaliya waxa ey ku adag tahay xanuune ku tahay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta,waayo Shirkadda DP World ilaa hadda waxaa gacanteeda ku jira Dekedaha Berbera iyo Boosaaso,waxaane ka maqan Kismaayo,Muqdisho iyo Baraawe oo hadda u gacan gashay Dawladda Kuwait,hadaba hawsha bilawga ah ee uu damacsan yahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya C/casiis Laftagareen ee ah inuu maro jidkii Axmed Madoobe ma waxa ey noqon doontaa hawl ey si wadajir ah ugala shaqeeyaan Xabashida iyo Imaaraatka Carabta si meesha looga saaro DFS iyo Shirkada Kuwait laha leeyahay?

Previous
Previous

NIN FALASTIINI AH OO BAABUUR JIIRSIIYEY….

Next
Next

CIIDAMADA ISRA’IIL OO WAR KA SOO SAARAY WEERARKII..