CIIDAMADA ISRA’IIL OO WAR KA SOO SAARAY WEERARKII..

(SAWIRKA)-DAGAALYAHANADA XAMAAS.

(ISRAEL)-Baaritaan ey sameeyeen Ciidamada Difaac Isra’iil(IDF)-ta lana daabacay maanta oo Khamiis ah ayaa lagu soo gabgabeeyey in Weerar Xamaas ee dhacay 7-dii Oktoobar-2023-kii uu ka dhacay Seddex Mawajadood taaso keentay in dhulka Isra’iil ey galaan in ka badan 5-kun qofood kana yimid dhinaca Marinka Gaza. “Mawjada Koowaad,waxaa ka mid ahaa oo ku dhex dhuuntay rasaas culus”ayaa lagu yiri warbixin kooban oo ku saabsan baaritaanka ey ciidamadu sameeyeen,iyagoo intaas ku daray in Mawjada Labaad ey ka qeyb ahaayeen 2-kun oo qof halka Mawjada Seddexaad ey ka mid ahaayeen boqolaal dagaalyahan oo ey la socdeen dhawr kun oo rayid ah,”Guud ahaan ilaa 5-kun oo qofood ayaa gudaha u galay dhulka Isra’iil intii uu socday weerarka ey Xamaas ugu magaca darta DUUFAANTII AL-AQSA’A”ayaa lagu yiri warbixinta. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in fikrado khaldan ey keentay in la saadaaliyey weerarkii dhacay 7-dii Oktoobar-2023-kii,iyadoo lagu taliyey in aan la ogolaan in ciidan cadaw ah laga dhiso xadka. Dagaalka Marinka Gaza ayaa maanta galay maalintiisii 509-aad, dhimashada 48,364-qof, dhaawac 111,780-qof, la la’ayahay 11-kun qof,dagaalka ayaa hadda hakad galay ka dib markii la gaaray heshiis xabad joojin ah una dhexeeya Xamaas iyo Isra’iil, waxa uuna heshiiska dhaqan galay 19-kii bishii Janaayo ee sannadkan 2025-ka, waxaane soo afjarmay wejigii hore ee Maxaabiis Isdhaafsiga labada dhinac, waxaane la sugayaa inuu bilawdo wejiga labaad ee Maxaabiis isdhaafsiga labada dhinac ee Isra’iil iyo Xamaas.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

HESHIISKA KGS IYO SHIRKAD KUWEYTIYAAN AH.

Next
Next

DAACISH LAGU XUKUMAY DALKA JARMALKA.