DAACISH LAGU XUKUMAY DALKA JARMALKA.
(SAWIRKA)-BOOLISKA JARMALKA.
(BERLIN)-Labo nin oo Afgaanistaan ah oo lala xiriirinayo kooxda Daacish ayaa maanta oo Khamiis ah ku xiran xabsi ku yaalla dalka Jarmalka, ka dib markii ey qorsheynayeen weerar ey ku qaadaan Baarlamaanka Sweden, iyagoo ka Aargoosanaya dad dibad-baxayaal ah oo Qur’aan gubay. Labada eedaysane oo magacyadooda lagu kala sheegay Ibrahim MG iyo Ramin N, ayaa la sheegay iney isku dayeen, balse ey ku guul-darreysteen iney qoryo u iibsadaan. Waxaa lagu helay danbi ah in ey Qorsheynayeen in ey dilaan Xubnaha Baarlamaanka si ey uga jawaabaan gubista Qur'aanka ee ka dhacay Sweden," Maxkamadda sare ee Gobolka Thuringia ayaa bayaan ey soo saartay ku sheegtay.
Ibrahim MG oo 30 jir ah ayaa lagu xukumay shan sano iyo lix bilood oo Xarig ah, waxaana Ramin N. oo 24 jir ah lagu Xukumay afar sano iyo labo bilood. Eedeysanayaasha, oo Jarmalka yimid 2015 iyo 2016 sidey u kala horeeyaan, waxay ahaayeen taageerayaasha Daacish ee “la wadaagay Aragtida Daacish ee adduunka oo ey taageereen (habkeeda) rabshado,” ayay tiri Maxkamaddu. Bishii Agoosto 2023, Ibrahim MG waxa uu noqday xubin ka tirsan Daesh-Khorasan (Daesh-K), oo ka tirsan Daacish, ayay Maxkamaddu sheegtay. Labadan nin ayaa maleegayay Qorshe ey ku doonayeen in ey ku dilaan Xubnaha Baarlamaanka iyo cid kasta oo isku dayda in ey joojiyaan weerarka iyaga oo hub ku wada Aagga Baarlamaanka Sweden,” ayey Maxkamaddu sheegtay. Waxay internet-ka ka baareen meelo ku yaal Stockholm, sida loogu safro Iswidhan iyo sida loo helo hubka.
Waxa ey sidoo kale u safreen Jamhuuriyadda Czech si ey hub uga soo iibsadaan Suuqa Madow balse Qorshahaasi waa uu dhacay.
Waxaa lagu xiray degaanka Gera ee Bariga Jarmalka bishii Maarso 2024. Labada nin ayaa lagu helay dambi ah iney Qorsheynayeen iney dambi galaan. Ibrahim MG ayaa sidoo kale lagu helay dambi ah inuu xubin ka yahay Urur Argagixiso, iyo Ramin N. inuu taageero Urur Argagixiso. Daesh-K waxay ahayd "Urur Argagixiso oo si gaar ah khatartiisa leh, kuwaas oo weeraradooda iyo Gabood-falo ey og yihiin Eedaysanayaashuna ey taageereen," ayay Maxkamaddu tiri.
Ka hor shirqoolka, Ibrahim MG waxaa sidoo kale lagu helay in 200 oo Yuuro oo u dhiganta $210 u dhiganta lagu wareejinayo akoon bangi Iran ah oo loogu talagalay taageerada Haweenka iyo Caruurta dagaalyahanada Daacish ee ku sugan Xerada Al-Hol ee Suuriya.
Ibraahim MG waxa uu si buuxda u qirtay intii ey socotay dacwada.
Islaamiyiinta Xagjirka ah ayaa dhowr jeer weeraro ka geystay dalka Jarmalka sanadihii ugu dambeeyay, waxaana ugu khasaaraha badnaa weerar Gaari Xamuul ah oo ka dhacay Suuqa Christmas-ka ee Berlin December 2016 oo ey ku dhinteen 12 qof. Ujeedooyin Islaami ah ayaa sidoo kale looga shakisan yahay dhowr weerar oo tooreey iyo baabuur lagu weeraray oo lagu eedeeyay Muhaajiriin ku sugan Jarmalka, taasoo keentay in dood adag laga yeesho tahriibka. Bishii Oktoobar 2023, dacwad oogayaasha Jarmalku waxay dacwad ku soo oogeen laba walaalo Suuriyaan ah oo Qorsheynayay weerar ey Daacish ku dhiirigelisay kaniisad ku taal Sweden oo lagu gubay Qur'aan. Gubitaan xiriir ah oo Qur’aan ah ayaa sanadkan 2023 ka dhacay guud ahaan dalka Sweden, gaar ahaan kuwa kasoo horjeeda soo galootiga, taasoo caro badan ka dhalisay dunida Muslimka.
ISHA-AN.