NIN FALASTIINI AH OO BAABUUR JIIRSIIYEY….
(SAWIRKA)-WEERAR KA DHACAY ISRA’IIL.
(QUDUS)-Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in nin Falastiini ah uu baabuur jiirsiiyey goob baska laga raaco oo ku taal Waqooyiga dalka khamiista maanta ah, isaga oo ku dhaawacay 13 qof oo rayid ah dhacdo ey ula dhaqmayeen sidii weerar “Argagixiso”. "Saacada 16:17 ee maanta, booliska Israa'iil ee gurmadka deg dega ah ayaa helay warbixino ku saabsan weerar dhabagal ah oo ka dhacay Isgooyska Karkuur, halkaas oo baabuur uu ku jiiray dad badan oo rayid ah oo ku sugayay boosteejada baska," booliska ayaa ku yiri hadal uu soo saaray. Jawaab bixiyaasha ugu horeeyey ee Israa'iil, Magen David Adom, ayaa sheegay in kooxdu ey dad dhaawac ah ku daweeyeen goobta shilku ka dhacay, oo ey ku jirto gabadh 17 jir ah oo Xaaladdeedu liidato. Booliska ayaa sheegay in 13 qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah ey dhaawacmeen, laba ka mid ahina ey ku jiraan xaalad “Mid halis ah”. Tuhmanuhu wuxuu ahaa "53-jir Falastiini ah oo ka yimid aagga Jenin, kaasoo si sharci-darro ah u degganaa Israa'iil isaga iyo qoyskiisa," ayaa lagu yiri warbixinta booliiska.
"Xaaladaha joogitaankiisa Israa'iil waxaa ku socda baaritaan," ayuu yiri booliisku, isagoo raaciyay "Natiijooyinka hordhaca ah waxay muujinayaan inuu si ula kac ah u beegsaday dad rayid ah oo ku sugayay boosteejada baska." Milatariga Israa’iil ayaa horaantii sanadkan weerar culus ku qaaday Woqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto, iyaga oo taangiyo geeyey goobtaas markii ugu horeysay muddo 20 sano ah. Hawlgalka oo ey ugu magacdareen "Darbiga Birta" ee millatariga Israel, ayaa yimid maalmo ka dib markii xabad joojin ey ka dhaqan gashay Gaza. Weeraradan ayaa ku soo badanayay Xeryo Qaxooti oo u dhow magaalooyinka Jenin, Tulkarem iyo Tubas. Hawlgallada militari ayaa caadi ka ah Xerada Qaxootiga ee Jenin, oo saldhig u ah mintidiinta Falastiin.
ISHA-AN.