HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA SOOMAALIYA OO WAR…

(SAWIRKA)-SOMALI KU XAYIRAN GAROONKA DIYARADAHA MASAR.

(MUQDISHO/SOMALIA)-π–π€π‘π†π„π‹πˆπ πŒπ”π‡πˆπˆπŒ 𝐀𝐇:

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay si dhow ula socotay caqabadaha ku yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u socdaalayay Dalka Masar maalmihi lasoo dhaafay, sidaas awgeed waxaa lagu wargelinayaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka Maajo (May) 2026, in si ku meel gaar ah loo hakiyay in dalka Masar loogu safro oggolaanshaha safarka ee loo yaqaan (OK-to-Board). Sidoo kale, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxa ay ku wargelinaysaa Muwaadiniinta Soomaaliyeed in Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar loogu safri karo dal-ku-galka rasmiga ah oo ay bixiso Qunsuliyada Masar oo kaliya. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxay xoojinaysaa xiriirka socdaalka iyo saaxiibtinimada ee ka dhaxeysa labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar.

HALKAN KA AKHRISO:

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

AGAASIME XUSEEN IIDAW OO QAABILAY MADAXA XAFIISKA UNSOS.

Next
Next

MUQDISHO IYO CIYAAL WEERO NUUC CUSUB AH.