AGAASIME XUSEEN IIDAW OO QAABILAY MADAXA XAFIISKA UNSOS.

(SAWIRKA)-AGAASIMAHA HAYADDA SOCDALKA IYO JINSIYADAHA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa shaacisay maanta oo ah Axad marka laga bilaabo 24-ka May 2026 oo maanta ah si ku meel gaar ah loo hakiyay oggolaanshaha safarada OK-to-Board ee muwaadiniinta Soomaaliyeed u socda dalka Masar. Hay’adda ayaa sheegtay in go’aankan uu ka dambeeyay caqabadaha dhowaan ka soo wajahay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee safarka ku maray Masar. OK-to-Board waa oggolaansho safar oo ku meel gaar ah oo inta badan la siiyo dadka u dhashay dalalka Afrikaanka ah ee u safraya dalka Masar, ayna ku raacaan diyaaradaha u socda Masar, dabadeedna ay dal-ku-gal ka qaataan garoonada dalkaasi kadib marka ay bixiyaan lacagta visaha. Nidaamkan safarka waxaa marka hore codsada shirkadaha tikidhada ee Soomaali iyo Masaariba leh, dabadeedna waxaa ansixiya hay’adaha amniga ee Masar, iyadoo loo soo mariyo isla shirkadaha tikidhada, taas oo u suurtogalisa qofka inuu ku raaco diyaaradaha ku sii jeeda Masar. Hay’adda ayaa sheegtay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed lagu wargelinayaa in safarka Masar weli lagu samayn karo dal-ku-gal rasmi ah oo ay bixiso qunsuliyadda Masar oo kaliya. Hay’adda ayaa sidoo kale sheegtay in ay xoojinayso xiriirka iyo wada-shaqeynta safarada ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar si loo fududeeyo safarada iyo xiriirka labada dal. Dhinaca kale, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf ayaa xarunta Dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Madaxa UNSOS, Marwo Qurat-ul-Ain Sadozai. Kulanka ayaa looga wada hadlay xoojinta wada shaqeynta u dhaxeysa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda iyo UNSOS, fududeynta arrimaha socdaalka ee shaqaalaha Qaramada Midoobe, iyo sare u qaadidda wada-shaqeynta hay’adaha si loo taageero howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya. Sidoo kale, waxa laga wada hadlay muhiimadda iskaashiga joogtada ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa arrimaha casriyeynta socdaalka, kobcinta karaanka iyo awoodaha shaqaalaha, iyo horumarinta kaabayaasha adeeg bixinta.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

HAWLGALKA AUSSOM OO XAQIIJIYEY SIDA EY UGA GO’AN TAHAY..

Next
Next

HAYADDA SOCDAALKA IYO JINSIYADAHA SOOMAALIYA OO WAR…