MUQDISHO IYO CIYAAL WEERO NUUC CUSUB AH.
(SAWIRKA)-MAGAALADDA MUQDISHO.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Sannadihii dambe amniga magaalada Muqdisho ayaa ahaa mid soo hagaayay, ka dib isbadal weyn ay sameeyeen laamaha amniga caasimadda, kuwaas oo dajiyay qorshe kor loogu qaadayay nabad galyada magaalada oo sannado la daris ahaydn amni darro. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay soo afjarista falalka liddiga ku ah amniga caasimadda, waxaa hoos u dhacay Qaraxyada, dilalka, dhaca, iyo afduubka Muqdisho ay caanka ku ahayd. Xaqiijinta amniga ayaa udub dhaxaad waxaa u ahaa ciidamada dowladda ee isugu jira Booliska sida Milateriga u tabaran, ciimada Booliiska iyo kuwa NISA ee loo garanaya ilaalo shacab, kuwaas oo kaa Shanaya Camerada qarsoon ee CCTV taas oo sahashay soo qabashada, ka daba taga shaqsiyaasadka geysta falalka liddiga ku ah amniga caasimadda. Afar sanno ka dib magaalada Muqdisho ayaa hadda wajahaysa koox dhallinyarro ah oo abaabulan kuwaas oo la magac baxay Ciyaal Weero, waxa ay ku hubaysan yihiin Tooreeyo iyo ulal, iyaga oo dhac iyo dhaawac u geysta shacabka Muqdisho. Dhallinyaradaan ayaa markii ugu horreysay bishaan ka soo muuqday Baraha Bulshada, iyaga oo garaacaya dhallinyaro kale uguna hanjabaya in ay dilayaan, waxaana lagu arkayay muuqaallada ku baahay baraha bulshada dhallinyaradaan oo sidata Toorey lagu qiyaasay dhirir ahaan 50 cm. Waa saddex dhallinyaro ah oo wata Tooreey iskana duubay muuqaal jaas ah oo ku baahay baraha bulshada. Kani waa mid ka mid ah muuqaallada 3 dhallinyaro ah oo ka tirsan Ciyaal Weero kuwaas oo soo bandhigaya Tooreeyada ay sitaan, iyaga oo ku faanaya iskana soo duubay muuqaal jaas ah ay dulsaareen hees uu qaaday fannaak Big Moha, taas oo ay erayadeeda ay ka mid yihiin, “Gacmaha kor u tag…, Maydkooda ayaan kala qabaynaa, waa faanteen iska day beentaa..” Mustaqbal Media oo baaritaan ku sameysay dhibaatada ay geysteen Ciyaal Weerrada ayaa noo suuragashay in aan helno mid ka mid ah muuqaallada ugu saameynta badnaa bishaan ee qabsaday baraha Bulshada. Waa koox dhallinyaro oo ku dalxiiseysa degmada Deyniile, kuwaas oo dhiganayay xaflad yar, ayaa mar qura waxaa weerar ku soo qaaday Ciyaal Weero, kuwaas oo isku soo baxsaday Tooreeyo, waxa ayna sababtay in la kala ordo, dhallinyaradii dalxiiska u joogta ay isaga baxsadaan goobta. Kani waa muuqaal kale, waa wiil yar waxaa dhaawac u geysteyn Ciyaal Weero, funaanadda uu sita waxaa ka muuqda dhiig ka socda qoortiisa, dhallinyarada qabatay wiilkaan ayaa ku oranaya erayo ay ka mid yihii, “maanta waa dhimaneysaa ee ashahaado,” Kacdoonkaan dhallinyaro ayaa ka dillaacay qaar ka mid ah degmooyinka hareeraha magaalada Muqdisho, inta naloo xaqiijiyay waa degmooyinka kala ah; Kaxda, Garasbaaley, Deyniile, Dharkeenley iyo Yaaqshiid. Qaar ka mid ah Wadayaasha Mootooyinka ayaa Mustaqbal Media u xaqiijiyay in ay ku adag tahay tagista degmooyinka qaar ee ay ku sugan yihiin dhallinyaradaan abaabulan, waxa ay inoo sheegeen in ay u baqayaan naftooda, hantidooda, iyo rakaabka saaran mootadooda. Laamaha ammaanka caasimadda weli si rasmi ah uguma aysan hadlin, balse shirkii todobaadkii hore u qabsoomay hoggaanka Booliska ayaa lagu sheegay in Taliyaha ciidmada Booliska uu amray in la soo xiro dhallinyarada anshax xumada ka wada magaalada Muqdisho. Dhallinyaradaan uu amray Taliyaha in la soo qabto waa kuwa muuqaallo dhaqan xumo ah ku baahiyaha baraha bulshada, balse Mustaqbal ma xaqiijin karto dhallinyarada la amray in la soo qabto in ay qeyb ka yihiin Ciyaal Weerada.
ISHA-MM.