HAYADDA NISA OO SOO SAARTAY WARGELIN IYO DIGNIIN KU SOCO…
(SAWIRKA)-XARUNTA HAYADDA NISA.
(MUQDISHO)-Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), waxa ay dabagal iyo baaris ku haysaa hantida iyo dhaq-dhaqaaqyada Maaliyadeed ee kooxaha Argagixisada ee kala ah (ALSHABAAB/DAACISH) waxa ayna si gaar ah isha ugu haysaa Uruurinta Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka. Sidaas darteed, Ganacsatada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, waxaa looga digayaa in ay qayb ka noqdaan ama ay ku lug yeeshaan arrinkaas. Qof kasta oo bixiya Baadda ay Khawaarijtu ugu yeerto Zakawaadka, waxa uu ku dhacayaa dembiyada maalgelinta Argagixisada ee ku xusan shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah ee khuseeya ka-hortagga iyo la-dagaalanka maalgelinta Argagixisada. Haddaba, ciddii lagu helo bixinta Baadda Argagixisada, waxaa laga qaadayaa tallaabo deg-deg ah oo waafaqsan shuruucda dalka iyo go’aannada maamul ee khuseeya. Ganacsade/Muwaadin, waxaa lagu xasuusinayaa in Hay’adaha amniga ee ay khusayso aad la soo wadaagto wax kasta oo la xiriira Baadda ay Khawaarijtu qaaddo iyo culays kasta ee aad Argagixisada kala kulantid. Hayadda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA waxa ey soo saartay Wargelin iyo Digniin wada socdo kuna wajahan Ganacsatada Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed,ujeedka ayaa ah in laga fogaado ka mid noqoshada la shaqeynta Argagixisada Alshabaab iyo Daacish kuwaaso dhibaato ba’an ku haayo dalkeya iyo dadkeynaba,hadaba shacabka iyo Ganacsatada ha u dhege nuglaadeen Wargelintaan iyo Digniintaan wada socdo.
HLKAN KA AKHRISO WARGELINTA/DIGNIINTA.
ISHA-SNTV.