SOO DEJINTA BAJAAJKA OO LAGA JOOJIYEY MUQDISHO,SABABTA?

(SAWIRKA)-KULAN KA DHACAY XARUNTA D/HOOSE EE XAMAR.

(MUQDISHO)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa shir Guddoomiyay kulan warbixin looga dhageysanayay Guddi Hoosaadka heer Farsamo ee Guddiga Heer Qaran u xilsaaran kasoo talo-bixinta sidii xal-waara loogu heli lahaa Saxmadda Gaadiidka iyo xirnaashiyaha waddooyinka Caasimadda. Guddiga ayaa soo bandhigay Qorshaha dib-u-qaabeynta isticmaalka waddooyinka, xoojinta u-hogaasamidda shuruucda waddo-marista, ka-baaraan-degista sidii loo furi lahaa waddooyinka xiran ee aanay caqabadaha amni ka imaanayn iyo hubinta dhaqangelinta go’aamadii xakameynta iyo joojinta soo-dejinta Bajaajyada, si xal-kama-dambeys ah loogu helo ciriiriga iyo caqabadda waddo-xumo ee ka jirta Caasimadda. Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS Md. Xil.C/kariim Cabdaw Xeydar, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Amniga XFS Md.C/naasir Siciid Muuse, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda XFS Marwa.Fartuun C/qaadir Faarax, Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir Macallin Mahdi iyo Taliyaha Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Liibaan C/raxmaan Aden. Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaan) ayaa 300 oo ka tirsan shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar u wareejiyay Waaxda Nadaafada iyo Bilic soo celinta Dowladda Hoose ee Xamar si loo dardargeliyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in Maamulka Gobolka uu muddooyinkaanba ku howlanaa; dib u qaabeynta iyo howlgelinta shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar, dib-u-habeynta nidaamka Maaliyadda iyo sameynta xeer nidaamiye qaabeynaya shaqada shaqaalaha, si qof weliba uu u heli xuquuqdiisa aasaasiga ah, isla markaana bulshada caasimadda ay u helaan adeegyada ay ugu baahan yihiin dowladda hoose ee xamar. “Bulshada canshuur bixiyeyaasha ah waa in ay helaan adeegyada kala duwan ee aasaasiga ah sida; in ay helaan dugsiyo Waxbarasho oo lacag la’aan ah, adeeg Caafimaad, jidad hagaagsan oo nadaafad iyo bilic leh” ayuu yiri Guddoomiye Muungaab oo xusay in Canshuurta laga qaado muwaadinka uu noqon doonno mid dib loogu celiyo. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaan) ayaa sheegay in Waaxda Nadaafada aysan noqon doonin mid ku shaqeysa oo kaliya iskoobe, balse dhawaan ay heli doonaan Gawaari waa weyn oo casri ah, Xarumo iyo Xafiisyo ay ku shaqeeyaan.

ISHA-TV-GA G/BANAADIR.



Previous
Previous

SEN.CUMAR FAATAX OO KU GUULEYSTAY DOORASHADA DUQA MAGAALADA MINNEAPOLIS.

Next
Next

HAYADDA NISA OO SOO SAARTAY WARGELIN IYO DIGNIIN KU SOCO…