PUNTLAND MAKA BADBAADI DOONTAA IN LAGU SIFEEYO BURCAD BADEED?
(SAWIRKA)-MARKABKA LAGU AFDUUBTAY XEEBAHA PUNTLAND.
(BOSASO)-Sida ey inteyna badan la socotay wixii shalay laga oo werinaayey Dawlad Goboleedka Puntland ayaa ahayd Markab u socday Muqdisho ey qabteen Ciidamadda Ilaaladda Xeebaga DG Puntland ee loo yaqaano PMPF, hadaba sheekada markabka ka yimid dalka Turkiga kuna socday Muqdisho sidee ayey u dhacday? Markab laga leeyahay Jaziiradah Komooros(SEA WORLD) hub koobane u siday Dugsiga Tababarka Ciidanka ee TURKSOM kuna yaallo magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa gacanta u galay Maleeshiyaad hubeysan oo joogo Xeebaha DG Puntland ka hor inta aan lagu wareejin Ciidanka PMPF ey Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta u Tababartay DG Puntland. Kacsanaanta Badda oo badi Maraakiibta ku qasabta iney hakad sameeyaan iyo cilad kooban ayaa la sheegay iney keentay inuu Markabku ku soo dhawaado Xeebaha si uu u sugo inta ey Baddu ka degeyso ama uu ciladda kooban iska xallinaayo. Maleeshiyaad hubeysan ee Xeebaha Puntland ka qaraabta kuwaaso dhawr jeer lagu eedeeyey falal burcadnima ah ayaa la sheegay iney markii hore Markabka weerareen laakin markii ey ogaadeen in markabku uu sido hub ayaa la sheegay iney la xiriireen maamulka DG Puntland, waane halkan messha shakiga dhalisay in DG Puntland iyo Burcad badeedu wada shaqeeyaan,waxaane ka dib la soo diray Ciidamadda PMPF ey Tababartay Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta. Hubka saaran Markabka waxaa iska leh Dugsiga Tababarka Ciidanka ee TURKSOM. Hubkan qeyb ka mid ah waxaa lagu qalabeyn lahaa ciidan cusub oo gaaraayo ilaa 600-askeri ey Turkigu ku tababareen dugsiga TURKSOM, kuwaaso ku biiraaya ciidanka gaarka ah ee GORGOR ey tababaraan Turkigu,qeybkta kalane dugsiga ayaa si gaar ah u isticmaali lahaa,sida ey xaqiijiyeen xubno ka tirsan Wasaaradda G/dhiga DFS. Ma aha markii ugu horeysay oo hubkaan oo kale la geeyo caasimadda Muqdisho ama ey Dawladda Turkigu keento Soomaaliya maadaam dalka Turkiga uu ka mid yahay wadamada ciidamada Soomaaliya ku tababara gudaha dalka Soomaaliya. Sida ey ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen Safaaradda dalka Turkiga ee Muqdisho ayaa toos ula xiriirtay Hogaamiyaha DG Puntland Siciid C/laahi Deni waxaane loo sheegay inuu Markabka soo fasaxo waane uu aqbalay. Arrinta xun ee u baahan in la xaqiijiyo kuna saabsan Markabkaan ayaa ah in qeyb ka mid ah hubka la degsaday taaso haddii ey rumawdo dharbaaxo culus ku noqon doonto Hogaamiyaha DG Puntland Deni. Dawladda Isutaga Imaaraatka Carabta oo taageerto Hogaamiye Deni isla markaasne tababarta ciidanka PMPF ee Puntland ayaa sidoo kale la xaqiijiyey iney amartay in la fasaxo Markabka. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iyada kaalinteeda hubka nuucaan ah waxa uu yahay ka warqab marka uu dalka soo gelaayo iyo iney u sameyso Canshuur dhaaf marka la keeno Dekedda Muqdisho. DG Puntland ma sii heysan karto Markabka hadda ku sugan Dekeadda Boosaaso ee G/bari,waayo DG Puntland uma dhaqmi karto sidii Burcad Badeed,laakin mida aan la ogayn ayaa ah sideey uga baxsan karaan iney ku sifoobaan iney yihiin Burcad Badeed haddii Hubka loo weday Dugsiga Tababarka ee TURSOM uu dhammaan waayo tiradii dhab ahayd markii laga soo shixnaayey dalka Turkiga,waxaane dhaboobi doonta xogta ah in hubka qaar lagala degay Markabka.
“KAARTA BAXA SICIID DENI”: (SCAPEGOAT).
Hogaamiyaha Dawlad Goboleedka Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa la soo sheegayaa inuu amray in Xabsiga loo taxaabo Taliyihii Ciidanka PMPF ee Imaaraatku tababaro ee degmada Caluula ka dib markii lagu eedeeyey inuu dad shacab ah u suurtageliyey iney Hubka fudud kala soo degaan Markabka hubka u siday Dugsiga TURKSOM ee la yiraahdo SEA WORLD,isla markaasne ey boobeen/Bililiqeysteen dhammaan wixii agab ciidan ee yiilay Xeradda PMPF ee degmada Caluula. Arrintaan ayaa loo fasiray iney tahay mid uu Deni ku doonaayo inuu indhaha caro kaga shubo Beesha Caalamka ee la socoto sida ey wax u dheceen Turkiguna uu qeyb ka yahay.
ISHA-SB-MEDIA. FADLAN INALA SOCO WIXII SOO KORDHA.MAHADSANID.