HAWLGAL QORSHEYSAN OO LAGU LAAYEY MALEESHIYAADKA ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-DRONES.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Ciidanka Hayadda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ey hawlgal qorsheysan ey saacadihii la soo dhaafay ey ka fuliyeen degaanada QOORDHEERE, XAWAAKA-KULAN, REYDABLEEY iyo magaaladda CEELBARAF kuwaaso dhammaantood ka wada tirsan Gobolka Shabeeladda Dhexe ee Dawlad Goboleedka H/Shabeelle, Hawlgalkaas ayaa waxaa lagu dilay 13-xubnood oo ka wada tirsan kooxda ALshabaab isugua jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad. Hawlgalka ka dhacay degaanka Qoordheere oo hoostaga degmada Raage-Ceele ee G/shabeeladda dhexe,waxaa lagu beegsaday koox ALshabaab ah kuwaaso afartii maalmood ee igu dambeeysay isku abaabulaayey halkaas,waxaane halkaas lagu dilay afa xubnood oo ka mid xubnihii meesha isku urursanayey waxaane la burburiyey Teendhooyn iyo keyd hub oo ey ka sameysteen geedaha hoostooda. Dhinac kale, inta u dhexeyso degaanadda Xawaala-kulan iyo Reydableey ee G/shabeeladda dhexe,waxaa laga hortegay maleeshiyaad ka tirsan kooxda ALshabaab kuwaaso halkaas ka weday qorshe ey doonayeen iney amniga ku carqaladeeyaan, waxaane isla goobta lagu dilay shan xubnood oo isugu jira Maleeshiyaad iyo Horjoogayaal. Hawlagalka Seddexaad ayaa waxa uu ka dhacay buurta Ceelbaraf oo dhinaca Galbeed kaga beegan degmada Ceelbaraf ee G/shabeeladda dhexe, waxaane la bartilmaameedsaday kooxo kale oo isla ALshabaab ah kuwaaso ku mashquulsanaay iney soo abaabulaan weerar Argagixiso,waxaane halkaas looga dilay ilaa afar xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka ALshabaab.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

(AFGOOYE): TALIYE QARAX LAGU DILAY GUDAHA XERADIISA.

Next
Next

GOLAHA WASIIRADDA XFS OO ANSIXYEY GUDIGA TACLIINTA SARE EE DALKA.