GOLAHA WASIIRADDA XFS OO ANSIXYEY GUDIGA TACLIINTA SARE EE DALKA.

(SAWIRKA)-GUDIGA TACLIINTA SARE EE DALKA.

(MUQDISHO)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa Ansixiyey Xubnaha Guddiga Tacliinta Sare ee Qaranka, oo lagu soo xulay si Hufnaan iyo Caddaalad ah. Guddiga ay waxaa soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare, waxa eyna ka kooban 15-xubnood oo ah Aqoonyahanno leh karti, khibrad iyo waayo aragnimo la xiriirta Arrimaha Waxbarashada iyo Maamulka, kuwaasoo ka shaqeyn doona Horumarinta Hey’adaha Tacliinta Sare ee dalka, waxaana ayna kala yihiin:

1.⁠ ⁠ Dr Cabdinuur Sheekh Maxamuud Guddoomiyaha Guddiga

2.⁠ ⁠Dr. Maxamed Cali Faarax Guddoomiye Kuxigeenka Guddiga

3.⁠ ⁠Dr. Ayaan Sh. Cabdullaahi Maxamed Xubin

4.⁠ ⁠Dr. Axmed Adam Maxamed Xubin

5. Dr. Roble Ibrahim Liban Xubin

6.⁠ ⁠Dr. Cabdulqaadir Cabdulle Cibaar Xubin

7.⁠ ⁠Dr. Cabdishakuur Sh. Xasan (Fiqi) X u b i n

8. Dr. Cabdullaahi Maxamuud Shariif Xubin

9.⁠ ⁠Dr. Cabdiwahab Ali Mumin Xubin

10. Dr. Cismaan Maxamed Cabdiraxman Xubin

11.⁠ ⁠Dr. Faysal Cabdiraxmaan Cabdullaahi Xubin

12.⁠ ⁠Dr. Maxamed Macallin Abdullahi Kutub Xubin

13.⁠ ⁠Dr. Maxamad Ibraahim Nuur Xubin

14.⁠ ⁠Dr. Maxaamuud Yusuf Garre Xubin

15.⁠ ⁠Dr. Nadiifa Sheekh Cumar Xubin

Dhinaca kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-eegista qaab dhismeedka hey’adaha dowladda iyo sida loo waafajinayo shuruudaha xeerka kala xadeynta.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga iyo howgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qeybo kamid ah dalka, iyada oo lagu bogaadiyey ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka halganka naf-hurnimada leh.

Sidoo kale Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaa lagu bogaadiyey horumarinta iyo tayeynta ay ku sameysay adeegga Xajka, taas oo keentay in Soomaaliya ay kaalmaha hore ka gasho dalalka sida ugu wanaagsan ugu adeegay Xujeydooda.


Next
Next

BOQOLAAL CARUUR AH OO LAGU LA’AYAHAY GUDHA QAARADDA YURUB.