(AFGOOYE): TALIYE QARAX LAGU DILAY GUDAHA XERADIISA.

(SAWIRKA)-DHAMME MAXAMUD SALEEBAAN.

(AFGOOYE)-Wararka laga helaayo degamada Afgooye ee Gobolka Shabeeladda Hoose ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaayo in xero ey leeyihiin Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed gudaheeda uu maanta ka dhacay Qarax miino, waxaane Qaraxaasi ku dhintay Taliyihii Ururka 64-aad, Guutada 7-aad ee Qeybta 12-aad Dhamme Maxamud Saleebaan Salaad. Qaraxa ayaa sida la sheegay ahaa mid xerada horay loo sii geliyey si uu waxyeeleeyo saraakiisha xerada iyo masuuliyiinta kale ee iyagana ku sugan isla xerada. Ma jiro wax war ey ka soo saartay DFS dhacdaan uu ku baxay Taliye Maxamud Saleebaan, balse kooxda Argagixsada ALshabaab ayaa sheegatay in iyada ey ka dambeeysay wixii ka dhacay xerada Afgooye, dhimashada ayey kooxdu ku sheegtay Taliye Maxamud Saleebaan iyo Taliyihii Saadka ee isla Xerada iyo seddex askeri oo ilaalo u ahayd Taliyaha Ururka 64-aad, waxa eyna kooxda Alshabaab sheegtay iney dhaawacmeen ilaa seddex qofood. Ma aha markii ugu horeysay oo uu ka dhaco dil loo geysto Taliye Ciidan,waxaane kii ugu dambeeyey uu Afgooye duleedkeeda ka dhacay 5/4/2025-kii, waxaane halkaas lagu dilay G/Le. Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-Fareey), dilka Taliye Nuur ayaa waxaa ka dambeeyey askeri ka tirsan ciidamadiisa kaaso isna isagane isla meesha lagu toogtay.

ISHA-SB-MEDIA.

Next
Next

HAWLGAL QORSHEYSAN OO LAGU LAAYEY MALEESHIYAADKA ALSHABAAB.