ALSHABAAB LAGU LAAYEY DUQEYN KA DACADAY…

(SAWIRKA)-DRONES.

(J/DHEXE)-Wararka laga helaayo Gobolka Jubada Dhexe ee Dawlad Goboleedka Jubaland ayaa sheegaayo in habeenkii xalay ahaa ey halkaasi ka dhacday duqeeyn dhinaca cirka oo aad u culus taaso lala beegsaday kooxda ALshabaab. Goobjoogyaaal ayaa xaqiijiyey duqeyntii xalay dhacday lagu bartilmaameedsaday saldhigyo muhiim ah oo ay kooxda ALshabaab ku lahaayeen Gobollada Jubada Dhexe, Shabeellada Hoose iyo bartamaha dalka. Duqeynta ugu weyn ayaa ka dhacday degmada Jilib, waxaane halkaas lagu dilay Saraakiil Sare iyo Ajaaniib badan oo ku sugnaa Xarun Tababar. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in lagu dhaawacay Horjoogaha guud ee kooxda Khawaarijta ALshabaab, Maxamed Maxamuud (Suldaan), dhaawaciisana waa mid fudud sida xogta lagu helay.

GOOBAHA LA DUQEEYEY IYO KHASAARIHII KA DHASHAY:

(1)-G/JUBADA DHEXE-DEGMADA JILIB:

Duqeynta ayaa lala beegsaday Xarun Tababar lagu qaadanayay oo ey joogeen Saraakiil Sare iyo Ajaaniib. Waxaa ku dhintay Ajaaniib badan iyo horjoogayaal Soomaali ah. Waxaa lagu dilay Sheekh Cali Jiis, horjooge caan ahaa,horayne u soo noqday Weligii Jilib.

(2)-G/SHABEELADDA HOOSE-KURTUNWAAREY:

Waxaa weerarka lala beegsaday Xarun Qaraxyada lagu kaydinayay iyo Qaraxyo diyaar ah loona waday Muqdisho ayaa si buuxda loo burburiyay.

3. G/LADDA SHABEELADDA HOOSE IYO G/GADUUD:

Labadaan gobol ayaa waxaa ka dhacay Duqeymo lagu bartilmaameedsaday xarun laga hagayay howlgalada kooxda ALshabaab,Waxaane ku dhintay saraakiil sare oo muhiim u ahayd kooxda ALshabaab waxaane ka mid ahaa Madaxdii Ciidamadda Mileteriga ee kooxda ALshabaab. Sida la soo sheegay, waxaane banaanka yimid magacyada horjoogayasha Alshabaab ee la laayey waxaane ka mid ah:

(1)-Aadan Dheere (Abu Cali) – Madaxa Qorsheynta.

(2)-Daahir Colow (Abu Xaydar) – Madaxa Howlgallada.

(3)-Kamaal Xasan (Abu Daariq) – Madaxa Qaybta Loojistikada.

(4)-Mukhtaar Oday Murux – Amiirkii Guud ee ciidanka Shabeellada Hoose.

(5)-Xasan Cayrow – Madaxa Qorshaynta.

(6)-Mursan Cali Sadiiq – Amiirkii Amniga Milatariga ee Sh/Hoose & Dhexe,waxaa jira dhaawacyo culus iyo kuwa fudu oo soo gaaray kooxda,waxaane ka dhaawacmay:

(1)-Tabliiq – Amiirka ciidamada G/Hiiraan.

(2)-Yuusuf Cali Ugaas – Amiirkii hore ee Hiiraan, haatana waa Wali

(3)-Xuseen Maxamed (Abu Jaabir) – Ku-xigeenka Waaliga Shabeellada Dhexe. Howlgalkan la fuliyey xalay waxa uu dhirbaaxo culus ku yahay kooxda Argagixisada ALshabaab, waxaana la filayaa inuu dhabar jebin doono qorshayaashooda colaadeed ee mudada dheer. Dowladda Fedraalka Soomaaliya iyo Saaxiibadeeda Caalamiga ah ayaa ballanqaaday iney sii wadi doonaan beegsiga kooxda si loo xaqiijiyo Nabadda iyo Xasilloonida dalka.

ISHA-SB-MEDIA.


Previous
Previous

(KENYA)-SHABAKAD KA GANACSATADA KILYAH DALKA OO LA OGAADAY.

Next
Next

(AFGOOYE): TALIYE QARAX LAGU DILAY GUDAHA XERADIISA.